Somaliland oo caddeysay mowqifkeeda xiisadda ka taagan gobolka

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si adag uga horyimid tallaabooyinka dowladaha uu hoggaamiyo Masar ee dhowaan isbahaystay, kuwaas oo ay ku jiraan Soomaaliya, Suudaan iyo Ereteriya, isaga oo ku eedeeyay inay ka hor imaanayaan qarannimada Somaliland.

“Waxaanu ka soo horjeednaa tallaabada qarannimadeenna liddiga ku ah ee ay ku kaceen dowladaha ay Masar hormuudka ka tahay ee dhowaan is bahaystay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Mowqifka Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli dowladahaasi ay muujiyeen iskaashi ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka, halka Somaliland ay tallaabooyinkooda u aragto kuwo ka hor imaanaya qadiyaddeeda.

Xukuumadda Somaliland ayaa si gaar ah uga soo horjeedda qoraal ay si wadajir ah u soo saareen dowladahaas, kaas oo ay kaga horyimaadeen aqoonsiga Somaliland.

Cirro ayaa sheegay in maamulkiisu uu difaacayo jiritaanka, qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, isaga oo tallaabooyinka dowladahaas ku tilmaamay kuwo lidd ku ah qaranimadeeda.

Dhanka kale, Somaliland ayaa muddooyinkii dambe xoojisay dadaallada ay ku doonayso aqoonsi caalami ah, gaar ahaan kaddib markii ay sheegtay inay aqoonsi rasmi ah ka heshay dowladda Israa’iil.

Tallaabadaas ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid dowlado Carbeed iyo Afrikaan ah, iyo sidoo kale dhinacyo kale oo caalamka ah, kuwaas oo qaarkood taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News