Somaliland oo digniin kasoo saartay culimo uu muran diineed soo kala dhex galay

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadashay culimo la sheegay in maalmihii u dambeeyay arrimo diineed uga dhex murmayey baraha bulshada, gaar ahaan barta Facebook.

Culimadaasi ayaa la soo warinayaa inay iskugu baaqayeen in ay wada-gaalaan doodo ku aadana mad-habyada ay kala haystaan, taasi oo dhalisay muran diineed xoogan.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa arrinkaasi ka soo saartay digniin, iyadoona culimadaasi uga digtay hadalada muranka diineed ah ee ay isku marinayaan baraha bulshada inay joojiyaan.

Digniinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in haddii ay hirgalaan doodaha noocaasi ah ay waxyeelo weyn u geysan karaan wada-jirka umada iyo nabada balaadhan ee ku naalooto Somaliland.

“Digniin! Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay digniin adag u diraysaa Culima-Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan Ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in Culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO)” ayaa lagu yiri Digniinta ka soo baxday xafiiska wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Waxaana sidoo kale lagu yiri “Doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada-jirka iyo nabadda aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan Culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaana ma jirto”.

“Haddaba, laga billaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019 (Shalay), waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso. Allaa Mahad Leh” ayaa lagu soo gunaanaday warqada digniinta ah ee Wasaarada.

Waxaana xusid mudan in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland aysan magac dhabin culimada ay sheegtay in muddooyinkii u dambeeyay uu ka dhex qarxay muran diineedku, isla markaana ay digniinta ka soo saartay.