SOMALILAND oo hal arrin darteed ugu gacan seyrtay joojinta qaadka ITOOBIYA

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta si cad u sheegtay sababta ay u joojin laadahay Qaadka deegaanadeeda uga yimaada dalka Itoobiya oo laga diiwaan-geliyay Kiisas badan oo la xiriira Coronavirus, isla markaana la daala dhacaya cudurkaasi ku faafay dunida.

Somaliland ayaa sheegtay in xukuumadoodu aysan ilaa hadda hayn wax kale oo dadka ka shaqeeya qaadka loogu badali lahaa haddii la joojiyo, maadama ay dad badan ka shaqeystaan iibinta qaadkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa ku dooday in xukuumada Muuse Biixi aysan laheyn awood dhaqaale oo dadkaasi uga dhigi karto kaabid, haddii deegaanadeeda ay ka joojiso qaadka ka soo gala Itoobiya, inkasta oo uu xusay inay tilmaamooyin caafimaad siiyeen dadkaasi ka shaqeeya qaadkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaadku uu yahay badeecada ugu badan ee maalintii soo gasha Somaliland, isla markaana ay dad badan ka sameeyaan lacago ay ku maareeyaan noloshooda.

“Maadama ay shaqo la’aantu nagu badan tahay, ganacsiga kaliya ee ugu socodka badana waa Qaadka, oo dadka qaadka iibiya aad bey u faro badan yihiin, mana helayno wax aynu ugu badalno haddii isaga ka xidhno. Markaa waxaynu dooneyna barnaamij habeysan anagoo dadka qaadkana ka wacyi-galineyn” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin.

Somaliland ayaa waxa maalintii soo gala deegaanadeeda qaad badan oo uga yimaada dhanka Itoobiya, taasi oo khubarada caafimaadku ku sheegen arrin halis ku ah caafimaadka bulshada, maadama qaadkaasi laga keeno dal uu ku faafay cudurka Coronavirus.