Somaliland oo ka jawaabtay hanjabaad ka timi…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan oo ka jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegay in dhul ay leedahay Somaliland uusan talaabo uga banaaneyn Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in difaaca shacabka Somaliland aysan ugu aaba yeeli doonin cidna, waxa uuna saraakiisha amaanka ku amray inay heegan galshaan dhamaan ciidamada.

Al-shabaab ayuu sheegay inay kasoo horjeedo xasiloonida ka taagan deegaanada Somaliland , balse taa bedelkeeda ayuu ku goodiyay in amaanka iyo degnaanshiyaha Somaliland ay ku keeni doonaan qori caaradiisa.

”Somaliland maaha dhul argagixiso in Al-shabaab ay carqaladeyso amaanka cidna kama aqbali doono wey naga go’an tahay in amaanka shacabkeena aan ku difaacno awoodeena”

Taliyaha Fadal waxa uu ka digay in shacabka ku nool Hargeysa iyo Deegaanada kale ee maamulka ay degnaansho siiyaan waxa uu ugu yeeray Argagixisada waxa uuna ku baaqay in Ciidamada lagu soo wargaliyo cidii ku cusub magaalada oo laga shakiyo, si uu yiri ay ciidamada u baaran.

Sheekh Fu’aad Shangole oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maalmo ka hor sheegay in weeraro ay ka fulin doonaan deegaanada Somaliland ay maamusho kadib markii uu sheegay in maamulka uu dhalinyarada ka mamnuucay barashada kitaabada qaar oo dadka faraaya Jihaadka.

Waxaa uu sheekh Fu’aad intaa ku daray in Al-shabaab haddaba ay joogto meel 8KM u jirta Hargeysa kana faafinayaan Diinta Islaamka.

Dhanka kale, Inta badan wadooyinka deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa lasoo dhoobay ciidamo aad u feejigan kuwaasi oo baaritaano ka haya wadooyinka iyo guryaha qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com