Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in heshiis nabadeed lagu soo afjaray colaaddii muddooyinkii dambe ka taagneyd gobollada Galbeedka.
Shir nabadeed qaatay saddex maalmood ah oo ka socday deegaanka Geerisa ee gobolka Awdal ayaa lagu gaaray qodobo lagu xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya beelaha Gadabuursi iyo Ciise oo hore ugu dagaalamay gobollada Awdal iyo Salal.
Shirka Samawade ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, iyadoo ay ka qeyb-galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddiga Nabadaynta ee Golaha Guurtida, maamulka gobollada Awdal, Salal iyo Saaxil, saraakiil ciidan, culimo, cuqaal iyo ergooyin ka kala socday labada beelood ee gogosha nabadeed loo dhigay.
Gunaanadka shirka ayaa Guddiga Golaha Guurtidu ku dhawaaqay qodobadii ay labada dhinac ku heshiiyeen, kuwaas oo ay ugu horreeyaan in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo dhammaan falalka rabshadaha ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta.
Qodobada lagu heshiiyay ayaa sidoo kale dhigaya in labada beelood ay isu diyaariyaan shirar dambe oo lagu sii adkeynayo heshiiska, halka hay’adaha ammaankana lagu waajibiyey inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabadda ama jebisa heshiiska.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale dhaar lagu mariyay 62 oday oo ka kala socda labada beelood ee dega gobollada Awdal iyo Salal, kuwaas oo ballanqaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan hirgelinta heshiiska iyo ilaalinta nabadda.
Guddiga nabadaynta ayaa culimada, cuqaasha iyo waxgaradka bulshada ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan xoojinta heshiiska, isla markaana ay bulshada ku dhiirrigeliyaan dib u heshiisiin iyo wada noolaansho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab ayaa sheegay in xukuumaddu si buuxda u fulin doonto qodobada lagu heshiiyay, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jebisa heshiiska ama carqaladeysa dadaallada nabadeed.
Sidoo kale, qaar ka mid ah cuqaasha labada beelood ayaa soo dhaweeyay heshiiska, iyagoo ballanqaaday inay ka shaqeyn doonaan dhaqangelintiisa.
Ugu dambeyntiina, shirka ayaa maanta lagu soo xiray jawi nabdoon, iyadoo masuuliyiintu ku tilmaameen heshiiska mid muhiim u ah adkeynta xasilloonida gobolka Awdal, yareynta colaadaha soo noq-noqda iyo xoojinta wadajirka bulshada.

