29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Somaliland oo shardku xirta waftiga DF uga qeybgali doono wada-hadallada !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Arimaha dibada Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa u kictamay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga halkaasi oo ay shir socon doono laba maalin kula qaadan doonaan Madaxda Qaranka Somalia.

Biixi, ayaa sheegay in Shirkaasi uu qeyb ka yahay Wada-hadaladii kala dhexeeyay DF Somalia, waxa uuna Tilmaamay inuu furmi doono maalinta Axada, islamarkaana soo idlaan doono maalinta Isniinta ah.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan aysan aqbali doonin inay hor fadhiistaan xubno asal ahaan kasoo jeeda Deegaanada Somaliland oo ka socda dhanka DF Somalia, isagoona tilmaamay in dadka ay la hadlayaan uu yahay Somalia lama huraana ay tahay in shirka laga ilaaliyo dadka kasoo jeeda Somaliland oo iminka ka tirsan DF Somalia.

Sidoo kale, Biixi, ayaa carabka ku dhuftay in Wufuuda DF uga qeybqaadan doonta wada-hadalada ay iyaguna saacadaha soo socda ku wajahan yihiin Magaalada Istanbuul.

Maamulka Somaliland ayaa waxa uu weli ku adeegayaa inay ka madax-banaan yihiin Somalia inteeda kale, waxaana taasi diidmo ka muujinaaya DF iyo Beesha Caalamka oo iyagu muujinaayo isku filnaansho la’aan dhan waliba ah oo heysata Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News