Somaliland oo ka carootay tallaabo ay QM qaaday oo ku saabsan Laascaanod

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Axaddii ka horyimid booqasho ay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay ku tageen magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in safarrada noocaas ah ee lagu tagayo deegaannada ay isku hayaan dhinacyada siyaasadeed ay tahay in marka hore lagala soo xiriiro Hargeysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay 16-ka Agoosto ku sheegtay in maamulka lagu wargeliyay booqashada wafdiga Qaramada Midoobay, balse aysan faahfaahin cidda wafdiga hoggaamineysa iyo ujeeddada rasmiga ah ee safarkooda.

Somaliland waxay sheegtay inay weli diyaar u tahay fududeynta gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo dhammaan dadka u baahan, oo ay ku jiraan dadka ku nool Laascaanood, kuwaas oo ay bayaanka ku tilmaantay “dadkeenna”.

Hase yeeshee, waxay ku adkeysatay in booqashooyinka ay saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ku tagayaan goobaha ay ku tilmaantay kuwa “siyaasiyan iyo amni ahaan xasaasiga ah” lagu maro habraacyada diblomaasiyadeed, laguna saleeyo ogeysiis, wadatashi iyo isku-duwid lala sameeyo maamulka Hargeysa.

“Dowladdu waxay qiimeyneysaa wada-shaqeynta muddada dheer ee ay la leedahay Qaramada Midoobay, waxaana weli ka go’an  xiriir wax-ku-ool ah,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo Somaliland ay dalbatay in la dhowro habraacyada iyo dariiqyada isgaarsiineed ee hore loo dejiyay.

Sheegasho aan gacan ku jirin 

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Laascaanood ay si buuxda gacanta ugu hayso Dowladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halka Somaliland ay weli sheegato magaalada iyo qaybo kale oo ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

Xiisadda Laascaanood waxay si weyn u qaraxday dhammaadkii 2022 iyo bilowgii 2023, markii mudaharaadyo iyo rabshado ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ay isu beddeleen dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee taageersanaa SSC-Khaatumo.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa xilligaas sheegay inay doonayaan inay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo ay si toos ah uga mid noqdaan nidaamka federaalka Soomaaliya. Dagaalladii xigay waxay sababeen dhimashada boqolaal qof, dhaawacyo iyo barakac ballaaran, iyadoo hay’adaha caalamiga ah ay marar badan ku baaqeen xabbad-joojin iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

Bishii Agoosto 2023, ciidamada Somaliland ayaa laga saaray Laascaanood kadib dagaal culus, waxaana tan iyo markaas magaalada gacanta ku hayay maamulka ka dhashay SSC-Khaatumo.

Khilaafka ayaa galay marxalad siyaasadeed oo cusub sanadkii 2025, markii shir ka dhacay Laascaanood lagu dhisay Dowladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya, laguna ansixiyay dastuurkeeda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii Agoosto 2025 ku dhawaaqday in geeddi-socodka dhismaha maamulka la soo gabagabeeyay, isla markaana uu ka mid noqday dowlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Janaayo 2026 tegay Laascaanood, halkaas oo uu kaga qeyb-galay caleema-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye. Xasan Sheekh ayaa xilligaas ku dhawaaqay in Waqooyi Bari ay tahay dowlad-goboleed buuxa oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, arrintaas oo sii adkeysay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan Laascaanood.

Somaliland, oo sheegata in Soomaaliya ka go’day 1991, ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in Laascaanood iyo deegaannada ku hareeraysan ay qayb ka yihiin dhulka ay sheegato.

Mowqifka Somaliland ee arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli xaaladda diblomaasiyadeed ee maamulka Hargeysa ay is beddeshay. Israel ayaa bishii December 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabadaas oo ay Soomaaliya si xooggan u diidday, halka Midowga Afrika iyo dalal kale ay dib u xaqiijiyeen taageeradooda midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News