Somaliland oo xukun adag ku ridday wariyeyaal uu ku jiro Cabdimaalik COLDOON

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey Wayiyaha la xukumay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Wariyey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.

Kadib waxaa go’aankaas kasoo baxay maxkamadda, Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Ehellada Wariyaha iyo qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee lagu ridday Cabdimaalik.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.

Dhinaca kale maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay Wariyeyaasha kala ah Maxamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.

Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa kadib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaaladaasi.