“Somaliland waxa Mareykanka ku qabsaday waa cuqubo Rabbaani ah,” waxaa sidaas yiri…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xaashi oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo wasiir hore oo heer federaal ah ayaa ka hadlay fashilka safarkii hoggaanka Somaliland ee Mareykanka, xilli maamulka uu dadaal xooggan ugu jiro doonistiisa gooni-u-goosadka.

Cabdirashiid ayaa sheegay in sababta fashilka keentay ay tahay in hoggaanka Somaliland ay haleeshay “cuqubbo Rabbaani ah” oo ka dhalatay garab-ka-bixii ay dano ku-meel-gaar ah awgood, garabkooda uga bexeen shacabka Falastiin ee dulman.

Waxa uu sidoo kale sheegay in garab istaaga Somaliland ee raggii mas’uulka ka ahaa xasuuqa iyo “isir-goynta” ka dhacday Gaza ee loo geystay carruurta Falastiiniyiinta ay waji gabax caalami ah dhex joojisay maamulka.

“Xasuuqa Gaza ayaa keentay in dowladihii Yurub iyo xitaa shacabkii Marakanku ay Natenyahu iyo kooxdiisa ka guureen, halka Cirro iyo koxdiisu u guureen. Sida ay sheegtay UNICEF USA, in ka badan 64,000 oo carruur Falastiiniyiin ah ayaa la dilay ama la naafeeyey tan iyo Oktoobar 2023,” ayuu Cabdirashiid ku yiri qoraal uu soo saaray.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli hoggaanka Somaliland uu dadaal ugu jiro sidii uu u heli lahaa taageero caalami ah oo ku aaddan doonista gooni-u-goosadka, iyadoo safarkiisa Mareykanka uu dhaliyay hadal-heyn siyaasadeed.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Kooxda Cirro waxa Maraykanka ku qabsaday cuqubay u eg tahay

Sababta safarkii madaxweynaha Somaliland iyo kooxdiisa ee Maraykanku uu u harreereeyey fashilaad is wada fangashan (isdaba socda) — oo xitaaal xalay waxaan ujedey taraarax kale oo hor leh, markii su’aal hiillo (camiraad) u ekayd oo uu Cirro weydiiyey maalqabeen Ugandhees ahi ay si uun ugu leexatay Idi Amin Dada!, iyadoo kaaliye Iidlena baaq aan miro dhalin isku dayay inuu wax caymiyo);

Tiiyoo maalintii ka horreyseyna Dr. Beyle iyo Dr. Fadal lagu eryanayey mid ka mid ah waddooyinka New York halka ayna ka sii horreysey Qosol-jabkii Laughter-gate.

Sababta waxaas oo dhammi u dheceen waxay aniga iila eg tahay in ay dhacday ama ragaas ay haleeshay CUQUBO Rabbaani ah — oo ka dhalatay garab-ka-bixii ay kooxdani (dano ku-meel-gaar ah awgood), garabkooda ka bexeen shacabka Falastiin ee dulman iyo la faraqa-ku-xirashada raggii shacabkaas u geystay xasuuqa iyo isir-goynta adduunku ka argagaxay gaar ahaan carruurta Gaza.

Taasoo keentay in dowladihii Yurub iyo xitaa shacabkii Marakanku ay Natenyahu iyo kooxdiisa ka guureen, halka Cirro iyo koxdiisu u guureen.

Sida ay sheegtay UNICEF USA, in ka badan 64,000 oo carruur Falastiiniyiin ah ayaa la dilay ama la naafeeyey tan iyo Oktoobar 2023.

Adduunka Rabbi ayaa iska leh, sida Suubanaha Nabigeennu sheegayna habaarka ama inkaarta kuwa la dulmiyey iyo Rabbina waxba uma dhexeeyaan;

Marka markii ay nimanku soo labtaan halloo sheego in ay fudaydkii ay galeen ka toobad keenaan, isagana haraan Netanyahu, Smotrich iyo Ben-Gvir.

Nin ku jecel baa runta kuu sheega.

Towbadunna waa furan tahay. Ragguna waa khaldamaa.

Ee akhyaareey u-turn ama kala wareeg sameeya.

Ilaahayna Soomaalida gees ha ka mariyo cuqubada aad noo soo jiiddeen.

Qab iyo isla weynina yaysan taladaan idinka indha tirin oo Jaamac Gaamushow diinta waa taqaan ee lafahaaga caynso.

Oo waa tii Alle yiri:

وَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ غَـٰفِلًا عَمَّا يَعْمَلُ ٱلظَّـٰلِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيهِ ٱلْأَبْصَـٰرُ

Maalin indhuhu argagax la taagmayaan!

Oo Alle waatuu yiri,

وَيُحَذِّرُكُمُ ٱللَّهُ نَفْسَهُۥ

- Advertisement -

Read more

Local News