Soomaali dacwad culus kusoo oogtay Sirdoonka iyo diyaaradaha dagaalka Holland kadib markii…

Muqdisho(Caasimada Online) – Wargeyska The Volkskrant ee ka soo baxa dalka Holland (The Netherlands) waxa uu shaaciyey inay Labo nin oo Somali ah ay dacwad ku soo oogeen Dowladda Holland, taasi oo ku aadan inay Hay’adda Sirdoonka Milliteriga Holland (M.I.V.D) qeyb ka yihiin Hawlgalladda Droneska Sirdoonka Maraykanka (CIA)-da ka fuliyaan gudaha Somalia.

Labada nin ayaa ku dhegan inay Dowladda Holland qeyb ka tahay mas’uuliyadda khasaaraha ay Droneska Maraykanka u geysteen, maadaama ay Hay’adda Sirdoonka Milliteriga Holland (M.I.V.D) kaalin muhiim ah ka qaataan Hawlgalka Maraykanka ee ka dhanka ah Alshabaabka Somalia.

Dhibanayaasha Soomaalida ayaa sheegay inay dhibaato ka soo gaareen Duqeyn ay Droneska Maraykanka bishii Janaayo ee sannadkii hore ee 2014-kii la maaganaayeen Hoggaamiyihii Alshabaab, Axmed Godane, balse uu ka badbaaday duqeyntaasi.

Mid ka mid ah Dhibanayaasha dacwadda furay ayaa sheegay in Duqeyntaasi lagu dilay labo gabdhood oo uu dhalay, isagana uu ku waayey mid ka mid ah lugihiisa.

Dhibanayaasha waxay kaloo sheegeen in duqeyntaasi lagu laayey Lo’ ay lahaayeen oo ku sugnayd bartii ay Droneska duqeeyeen.

Garyaqaanadda u doodaya Labada Nin ee Soomaalida oo lagu kala magacaabo Goran Sluiter iyo Liesbeth Zegveld ayaa u sheegay Wargeyska The Volkskrant ee ka soo baxa Holland inay u doodayaan Labo nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo dhibanayaal u ah Hay’adda Sirdoonka Milliteriga Holland (M.I.V.D) oo kaalin ka qaataan Hawlgalladda ay Droneska Maraykanka ka fuliyaan gudaha dalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com