Amsterdam (Caasimada Online) Idaacadda VOA-da ayaa caawa wereysatay wiil dhallinyaro ah oo ka mid ah siddeedl qof oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Netherlands kuwaasoo la rabo in maalinta khamiista ah ee toddobaadkan lagu soo celiyo.
Wiiilkan oo lagu magacaabo Cawil Maxamed, wuxuu sheegay in muddo lix bil ah uu ku jiray xabsi ku yaala dalka Holland, wuxuuna intaas ku daray in isaga iyo dhallinyarada la xiran oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ah in loo keenay Tikitkii ay ku raaci lahaayeen diyaaradda Turkish Arline.
“Waxaa heesanaa tikitkii aan ku raaci lahayn, waxaana booliska ay noo sheegeen in Turkiga nala sii marsiin doono maalinta Khamiistana nalaga dajin doono Muqdisho, waxaa naloo sheegay oo kale in dowladda Netherlands ay heshiis la gaartay dowladda Soomaaliya kaasoo ku saasan in Soomaalida dib loogu soo celiyo dalkooda” ayuu sheegay Cawil Maxamed.
Mar la weydiiyay wax yaabaha ay ku diiddan yihiin in waddankooda ay ku laabtaan, wuxuu sheegay in xaaladda Soomaaliya aysan hadda weli ahay mid la isku haleen karo.
Wuxuu kaloo sheegay wiilkan in dhammaan qoyskiisa ay deggan yihiin dalka Netharlands, Vissana uu ku soo galay markii hore balse laga qabtay wadooyinka dalkaas.
Ugu dambeen Cawil ayaa sheegay in wiil dhawaan si qasab ah looga dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho uu ku jiray xabsiga ay ku xiran yihiin.
Wuxuu kaloo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso heshiiska ay la gashay dowladda Holland kaasoo ku saabsan in Soomaalida dib loogu soo celiyo dalkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Yurub

