Soomaali kiis xasaasi ah loogu maxkamadeynayo UK

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska ayaa dambi ku heshay nin Soomaali ah oo u safray Soomaaliya isaga oo doonayay inuu ku biiro kooxda Daacish, balse ku guuldarreystay inuu gaaro goobaha ay kooxdaasi kaga sugan tahay Puntland.

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, deggenaa magaalada Bristol, ayaa lagu helay inuu diyaarinayay falal argagixiso, kaddib maxkamadeyn ka dhacday Winchester Crown Court.

Mohamoud ayaa inkiray eedda ah inuu diyaarinayay falal argagixiso, balse wuxuu qirtay inuu isku dayay inuu ku biiro Daacish.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa maxkamadda u sheegay in Mohamoud uu Soomaaliya u safray bishii Janaayo 2025, isaga oo doonayay inuu gaaro dagaalyahannada Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Puntland, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Boosaaso.

Naomi Parsons oo kiiska ku mataleysay xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in Mohamoud uu xagjir noqday intii uu ku noolaa Britain, isla markaana uu qaatay fikradaha kooxda Daacish.

Waxay sheegtay in ujeeddadiisu aysan ku koobneyn oo keliya inuu kooxda ku biiro, balse uu sidoo kale doonayay inuu dagaallamo oo uu naftiisa u huro kooxda.

“Wuxuu lahaa rabitaan xooggan oo ah inuu Soomaaliya ku laabto, kuna biiro Daacish iyo dagaalyahannada ka howlgala buuraha ku dhow Boosaaso, waqooyiga Puntland,” ayay maxkamadda u sheegtay Parsons.

Sida ay xeer-ilaalintu sheegtay, Mohamoud ayaa marka hore isku dayay inuu helo xiriir u fududeeya ku biirista kooxda, balse markii uu ku guuldarreystay ayuu haddana goostay inuu Soomaaliya u safro, isaga oo 30-kii Janaayo 2025 ka duulay Britain.

Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay inuu la xiriiray barnaamij sirdoon macmal ah oo ay adeegsadaan xubno la sheegay inay Daacish u qaabilsan yihiin kala saarista iyo qiimeynta dadka doonaya inay kooxda ku biiraan.

Inkasta oo Mohamoud uu haystay tikidh soo-noqosho oo ku beegnaa 3-dii Maarso, xeer-ilaalintu waxay sheegtay in fariimo ay heleen baarayaashu ay muujinayeen inuusan markii hore qorsheyneyn inuu Britain dib ugu laabto.

Hase yeeshee, wuxuu ugu dambeyn ku guuldarreystay inuu gaaro kooxda, arrintaas oo xeer-ilaalintu ku xiriirisay howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee xilligaas ka socday Soomaaliya.

Puntland ayaa muddadaas wadday howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Daacish, gaar ahaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo kooxda ay saldhigyo ku lahayd.

Mohamoud ayaa Britain dib ugu laabtay 3-dii Maarso 2025.

Xeer-ilaalintu waxay sheegtay inuu xitaa markii uu dib ugu noqday Britain sii waday xiriirkii uu la lahaa dadkii uu doonayay inay ka caawiyaan ku biirista Daacish.

Fariin loo soo bandhigay maxkamadda ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya dib ugu laabto marka loogu yeero.

Mohamoud oo isaguna maxkamadda ka hor hadlay ayaa sheegay inuu Soomaaliya ku dhashay, balse waalidkiis ay kala tageen markii uu saddex jir ahaa, kaddibna isaga iyo walaalkiis ka yar ay la noolaadeen hooyadood labaad oo ku sugneyd Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay inuu muddo u kala noolaa Soomaaliya iyo Imaaraadka, ka hor inta uusan 2020, isaga oo 16 ama 17 jir ah, u guurin Bristol si uu ula noolaado hooyadiis.

Mohamoud ayaa sheegay inuu kulliyad ka bartay Ingiriisiga, xisaabta iyo cunto-karinta, isla markaana uusan markii hore si weyn ugu xirneyn arrimaha diinta.

Hase yeeshee, wuxuu maxkamadda u sheegay inuu markii dambe bilaabay daawashada muuqaallo diimeed oo lagu baahiyo YouTube, gaar ahaan kanaal lagu magacaabo BlackBeardGuy.

Wuxuu sheegay in muuqaallo “xagjir ah” oo uu ka daawaday YouTube iyo TikTok ay kordhiyeen xiisihiisa diinta iyo fikirka ah inuu ku biiro Daacish.

Xeer-beegtida Winchester Crown Court ayaa ugu dambeyn ku heshay dambiga ah diyaarinta falal argagixiso. Xukunka lagu ridayo Mohamoud ayaa la filayaa in maxkamaddu ku dhawaaqdo marxaladda xigta ee kiiska.

- Advertisement -

Read more

Local News