26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Soomaali laga soo tarxiilay Jarmalka oo maanta laga soo dejiyay Aadan Cadde

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siddeed qof oo Soomaali oo laga soo tarxiilay gudaha dalka Jarmalka ayaa maanta laga soo dajiyay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo horay loogu eedeeyay dambiyo culus oo ay kasoo galeen dalkaasi.

Soomaalidan ayaa kala dagana gobollada Sachsen iyo Bayern ee dalka Jarmalka, waxaana lagu helay dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyay oo ay kamid ahaayeen isku day dil, kufsi, dhac dhaawacyo halis ah, la dagaallanka Booliiska iyo isku day khiyaano iwm.

Go’aanka lagu soo masaafuriyay muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa horay loo shaaciyay, waxaana lala wadaagay dowladda Soomaaliyeed oo aqbashay in dalkooda lagu soo celiyo.

Arrintan ayaa sidoo kale cabsi wayn ku abuurtay Soomaalida qaabka qaxootiga ku jooga dalka Jarmalka ee aan heysan sharciyada rasmiga ah, maadaama ay suuragal tahay in lasoo celiyo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in lasoo masaafuriyo dhalinyaro oo hadda xabsiyada ku jira, kuwaas oo iyagana ku eedeysan dambiyo waawayn, waxaana horay arrintan u xaqiijiyey Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad oo shaaca ka qaaday in Soomaalida lasoo celinayo ay yihiin kuwa dambiyo kala duwan ka galay dalka Jarmalka.

Balse waxa uu beeniyey inay jiraan Soomaali dalkaas sharci ku joogta ama aan gelin wax dambi ah oo lagu soo celinayo dalkooda. 

Cali Balcad waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ay ku heshiiyeen in 20 qof oo xukun xabsi oo lagu riday dhameystay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaas oo aad u yar marka loo eego 80 kun oo Soomaali ah oo la rumeysan yahay inay dalkaas ku nool yihiin. 

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo isna horay booqasho ugu tegey dalka Jarmalka ayaa la kulmay hogaamiyaha dalkaas Olaf Scholz, wuxuuna kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo dalka Jarmalka ku sugan, balse arrimahasi ayaa dood xooggan ka dhaliyay baraha bulshada ee Internetka.

Si kastaba ha’ahaatee, Dalka Jarmalka ayaa waxaa haatan ku sugan Soomaali fara badan oo Tahriib ahaan ku tagey, si lamid ah dalalka Yurub waxaana soo wajahday cabsi xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News