Soomaali loo qabtay toogasho iyo dil ka dhacay meel u dhow xarunta ICE ee Portland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Portland (Caasimada Online) – Booliska magaalada Portland ee gobolka Oregon ayaa gacanta ku dhigay Mahmoud Said Ali, oo 42 jir ah, kaas oo loo haysto dilka nin kale oo lagu magacaabi jiray Anwar A. Osman, kadib toogasho ka dhacday meel u dhow xarun ay leedahay hay’adda socdaalka Mareykanka ee ICE.

Mahmoud ayaa la xiray aroornimadii Sabtida, 8-dii Agoosto, kadib markii baarayaasha dambiyada dilalka ay ku raadjoogeen, xaafad ku taalla waqooyi-bari magaalada Portland ee gobolka Oregon, sida uu sheegay Taliska Booliska Portland.

Booliska ayaa sheegay in Mahmoud lagu xiray xabsiga Multnomah County, laguna soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dil darajada labaad ah iyo adeegsiga hub si sharci-darro ah.

Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa Mahmoud ku sheegtay Soomaali soo-galooti ah, iyadoo warbixin gaar ah oo uu daabacay The Post Millennial ay xogtaas ku saleysay diiwaanno laga helay internet-ka. Booliska Portland, si kastaba, waxa ay si rasmi ah ugu tilmaameen oo keliya nin deggan Portland, mana aysan shaacin dhalashadiisa ama xaaladdiisa socdaalka.

Dhibbanaha, Anwar A. Osman oo 41 jir ahaa, ayaa isna ahaa qof deggen Portland, sida ay boolisku xaqiijiyeen. Baaritaanka hordhaca ah ayaa sidoo kale lagu ogaaday in labada nin ay hore isu yaqaaneen, inkastoo aan weli la shaacin xiriirka ka dhexeeyay ama waxa sababay muranka horseeday dilka.

Sidee wax u dhaceen?

Dhacdada ayaa bilaabatay wax yar kadib afartii aroornimo ee Talaadadii, 4-tii Agoosto, markii sarkaal boolis ah oo roondo ku jiray uu arkay gaari ku dhacay dhisme ku yaalla South Macadam Avenue.

Isla waqtigaas, dadka deegaanka ayaa telefoonno u dirayay adeegga gurmadka iyagoo sheegay inay maqleen rasaas.

Markii askartu gaareen gaariga, waxay gudaha ka heleen Anwar oo miyir la’ isla markaana qaba dhaawacyo rasaaseed. Booliska ayaa gaariga kala soo baxay waxayna isku dayeen inay badbaadiyaan, balse wuxuu ku geeriyooday goobta.

Xafiiska dhakhtarka baarista dhimashada ee gobolka Oregon ayaa markii dambe xaqiijiyay in Anwar uu u dhintay rasaas, islamarkaana kiiska loo aqoonsaday dil.

Baarayaasha ayaa rumeysan in rasaasta la furay xilli gaadiidku ku hakaday nalalka waddada ee isgoyska South Bancroft Street iyo South Macadam Avenue.

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu rasaasta furay ayaa kadib goobta gaari kaga baxsaday, halka gaarigii Anwar uu hoos u dhaqaaqay ilaa uu ugu dambeyn ku dhacay dhisme ku dhow goobta.

Telefishinka maxalliga ah ee FOX 12 ayaa sheegay in Anwar ay haleeshay rasaas dhowr ah.

Baarayaasha dambiyada dilalka ayaa maalmo kadib dhacdada ku qaatay ururinta iyo falanqeynta caddeymaha, wareysiga markhaatiyaasha iyo dabagalka xogaha la helayay, ka hor inta aysan Mahmoud u aqoonsan qofka lagu tuhunsan yahay dilka.

Fiidnimadii Jimcaha ayay boolisku heleen xog muujineysa halka uu ku sugnaa, waxaana howlgalka lagu xirayay lagu daray ciidamada gaarka ah ee SERT iyo kooxda qaabilsan wada-xaajoodka xaaladaha halista ah.

Mahmoud ayaa ugu dambeyn la qabtay qiyaastii 3:30 aroornimo, isaga oo ku sugnaa aagga 13100 ee Northeast Glisan Street.

Booliska weli ma shaacin in gacanta lagu dhigay hubkii lagu fuliyay dilka.

Muhiimadda goobta  Dhacdada ayaa markii hore si weyn indhaha u soo jiidatay sababtoo ah waxay ka dhacday meel aad ugu dhow xarunta ICE ee Portland, oo bilihii iyo sanadihii dambe xuddun u ahayd dibadbaxyo ka dhan ah siyaasadaha socdaalka ee dowladda federaalka Mareykanka.

Hase yeeshee, booliska ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin wax caddeyn ah oo dilka xiriirinaya xarunta ICE ama howlaha socdaalka ee ka socda halkaas.

“Marka laga reebo isku dhawaanshaha goobaha toogashada iyo shilka,” ayay boolisku sheegeen, ma muuqato in xarunta ICE ay wax xiriir ah la leedahay dhacdada. Warbaahinta maxalliga ah ee KATU ayaa sidoo kale sheegtay in baarayaashu aysan helin xiriir u dhexeeya dilka iyo howlaha xarunta.

Booliska sidoo kale ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya in dilku la xiriiray asal, dhalasho ama xaalad socdaal oo labada nin midkood ah.

Mahmoud Said Ali ayaa weli ku jira xabsiga, iyadoo baaritaanka kiiska uu socdo, waxaana boolisku ugu baaqeen qof kasta oo haya xog la xiriirta dhacdada inuu la xiriiro waaxda dambiyada dilalka ee Portland.

- Advertisement -

Read more

Local News