CANADA: Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday baarlamanka Nova Scotia

Toronto (Caasimada Online) – Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay.

Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

Cali ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka, wuxuuna idaacada VOA-da oo uu la hadlay u sheegay in xilkaan uu isugu taagay si uu wax uga qabto baahida dadweynaha ee taagan, taasi oo uu xusay inuu golahaas ugu adeegi doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gobolkaas oo aysan ku badneyn Soomaalida uu ku helay codadka uu ku guuleystay inay u suurta-galisay kaalintiisa uu ku leeyahay arrimaha bulshada iyo u ololeynta dadka soo galootiga.

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhanka Iskuulada iyo waxbarashada ee ka taagan gobolka laga doortay, islamarkaana uu hirgelinayo sharci ka hor-imaanaya Islaam naceybka.