Soomaaliya iyo Azerbaijan oo maanta yeeshay wada-hadalo cusub oo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Baku (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Emin Amrullayev.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga waxbarasho ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan ballaarinta fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan ardayda Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Azerbaijan iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dheeraad ah oo ay ka faa’iideystaan, gaar ahaan dhinacyada tacliinta sare iyo waxbarashada.

Danjire Cabdinuur Fiidoow iyo Wasiir Emin Amrullayev ayaa sidoo kale isla eegay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada ee labada dal.

Intii uu kulanku socday, waxaa xoogga la saaray dhiirrigelinta tacliinta sare iyo dhisidda iskaashi waara oo dhinaca waxbarashada ah, kaas oo fursado cusub u abuuri kara ardayda iyo hay’adaha waxbarashada ee labada dal.

Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa uga mahadceliyey Wasiir Emin Amrullayev iyo Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada Azerbaijan soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barata.

Safiirka ayaa xusay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay xiriirka sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, isagoo sheegay in Safaaradda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ballaarinta fursadaha waxbarasho ee ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo labada dal ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo xiriirkooda, iyadoo waxbarashada iyo tacliinta sare ay kamid yihiin dhinacyada muhiimka ah ee lagu horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan.

- Advertisement -

Read more

Local News