Soomaaliya iyo Mareykanka oo xaqiijiyey arrin la hadal hayey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil amni oo Mareykan iyo Soomaali ah ayaa bixiyey faahfaahin cusub oo muujineysa inuu sii xoogeysanayo xiriirka u dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, kaas oo hadda ku lug leh hub, tababar ciidan iyo xiriir toos ah oo dhex mara labada dhinac.

Baaritaan uu daabacay wargeyska Wall Street Journal ayaa lagu sheegay in xiriirka labada kooxood uu si weyn u kobcay tan iyo ugu yaraan 2023, iyadoo shaqsiyaad Soomaali ah ay door muhiim ah ka qaateen isku xirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ay Iran taageerto.

Saraakiil Mareykan, Soomaali iyo Yemeniyiin ah oo wargeysku la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ay iska kaashadeen helitaanka hubka, tababarrada iyo khibradaha militariga, inkastoo ay jiraan kala duwanaansho weyn oo dhinaca fikirka iyo madhabta ah.

Al-Shabaab waa koox Sunni ah oo xiriir la leh Al-Qaacida, halka Xuutiyiintu ay yihiin dhaqdhaqaaq inta badan ka soo jeeda madhabta Shiicada Zaydi.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, General Dagvin Anderson, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay helayso hub iyo tababbarro casri ah, halka Xuutiyiintuna ay isku dayayaan inay ballaariyaan saameyntooda juqraafiyeed.

“Arrintani ma aha oo keliya dhibaato goboleed. Waxay leedahay saameyn caalami ah,” ayuu Anderson u sheegay Wall Street Journal.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo hore u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in cadaawadda labada kooxood ay u qabaan reer Galbeedka iyo Israel ay sahashay inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda fikirka.

“Waxay neceb yihiin reer Galbeedka, waxayna neceb yihiin Israel,” ayuu yiri.

Soomaali dhex-dhexaadinayey labada kooxood

Baaritaanka ayaa magacaabay Jibriil Yaxye Cali, oo sidoo kale loo yaqaanay Gacaamey, inuu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee isku xira Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Jibriil ayaa si joogto ah ugu kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Yemen, waxaana lagu sheegay inuu ahaa wakiilka Al-Shabaab ee xiriirka la lahaa saraakiisha Xuutiyiinta.

Wargeysku wuxuu sheegay, isagoo soo xiganaya xog sirdoon iyo dokumiintiyo uu arkay, in Jibriil uu ka shaqeyn jiray soo iibinta hubka militari iyo sidii hubkaas loogu soo rari lahaa Soomaaliya.

Sannadkii 2024, Al-Shabaab ayaa Yemen u dirtay wakiil kale oo ka sareeyey Jibriil, Sheekh Axmed Cilmi Samatar, si uu ula shaqeeyo.

Samatar ayaa Xuutiyiinta hor dhigay liis hub ah oo Al-Shabaab ay dooneysay, waxaana ku jiray gantaallada garabka laga rido ee diyaaradaha lagula dagaallamo, gantaallada Katyusha ee 107mm, qoryaha shiishka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada qaada, gantaallada lidka taankiyada iyo qalabka habeenkii wax lagu arko ee Mareykanka lagu sameeyo.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka militariga Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Al-Shabaab ay Xuutiyiinta ka dalbatay hub casri ah, marka lagu daro qoryaha fudud, kuwa darandoorriga u dhaca iyo rasaasta.

Mas’uuliyiinta dowladda Yemen ayaa Samatar xiray Janaayo 2025, balse markii dambe waxaa lagu sii daayey maxaabiis ay dowladda Yemen iyo Xuutiyiintu is-weydaarsadeen. Kadib wuxuu dib ugu laabtay Soomaaliya.

Jibriil ayaa dhankiisa sii waday isku dubbaridka hubka illaa 12-kii Febraayo, markaas oo lagu dilay duqeyn Mareykan ah, sida ay sheegeen laba ilo-wareed oo Mareykan ah oo xog ogaal u ahaa howlgalka.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, CENTCOM, ayaa dhinaciisa sheegay inuusan howlgalkaasi ahayn mid ay ciidamadiisu fuliyeen.

Al-Shabaab ayaa markii dambe Yemen u magacaabatay wakiil kale oo sii wada xiriirkaas.

Hubka oo si qarsoodi loo soo geliyo Soomaaliya

Sida uu sheegay wargeysku, shirkado magac-u-yaal ah oo laga sameeyey Yemen ayaa hubka u ekaysiin jiray badeecooyin rayid ah, ka hor inta aan laga soo marin dekedda Mukalla iyo goobo kale.

Hubka ayaa kadib lagu soo gudbin jiray Gacanka Cadmeed, iyadoo la adeegsanayo doomaha dheereeya iyo maraakiibta kalluumeysiga.

Marka uu gaaro xeebaha waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan meelaha aan si weyn loo ilaalin, shabakado maxalli ah ayaa hubka u sii gudbin jiray cutubyada Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalka sirdoonka militariga Mareykanka.

General Axmed Cabdullaahi Sheekh, oo hore u soo noqday taliye ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, ayaa muujiyey walaac ku saabsan waxa Al-Shabaab ay ku qorsheyneyso awoodaha cusub ee ay heleysay.

“Ma aqaan waxa qorshahoodu yahay, laakiin waxaa hubaal ah in wax socdaan,” ayuu u sheegay wargeyska.

Dagaalyahanno tababar loogu qaaday Yemen

Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta kuma eka oo keliya hubka, waxaana xogta cusub ay muujineysaa inuu sidoo kale gaaray dhinaca tababarka militariga.

Ugu yaraan 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa loo qaaday Yemen si ay tababar uga helaan Xuutiyiinta, sida uu sheegay sarkaalka sirdoonka militariga Mareykanka.

Dagaalyahannada ayaa la baray farsamooyin lagu sameeyo miinooyin waddooyinka la geliyo oo ka awood badan kuwii hore, iyo sida loo isticmaalo hub casri ah.

Tababarayaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaa sidoo kale u safray Soomaaliya, halkaas oo ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku bareen adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Koox dagaalyahanno Al-Shabaab ah ayaa sanadkan saddex bilood ku qaatay gobolka Saada ee Yemen, halkaas oo lagu baray isku-xiridda diyaaradaha drone-ka iyo nidaamyada loo yaqaan FPV, kuwaas oo qofka duulinaya u oggolaanaya inuu si toos ah u arko muuqaalka kamaradda drone-ka.

Xogtan ayaa la jaanqaadaysa baaritaan ay dhowaan sameysay hay’adda Century International, kaas oo sheegay in inta u dhexeysa 120 ilaa dhowr boqol oo dagaalyahan Al-Shabaab ah ay tababarro ka heleen Xuutiyiinta Yemen.

Baaritaankaas ayaa sheegay in tababarradu ay ku jireen isticmaalka hubka fudud, sameynta walxaha qarxa iyo isticmaalka aasaasiga ah ee diyaaradaha drone-ka.

Waxa kale oo uu sheegay in injineerro militari oo Xuutiyiin ah ay tageen koonfurta Soomaaliya si ay Al-Shabaab uga caawiyaan sameynta qaraxyada, wax-ka-beddelka diyaaradaha drone-ka iyo dayactirka hubka.

Si kastaba, Century International waxay sheegtay inaan weli la helin caddeymo xooggan oo muujinaya in Xuutiyiintu Al-Shabaab ku wareejiyeen awoodahooda ugu casrisan, sida gantaallada heerka sare ah iyo tiknoolajiyadda diyaaradaha weerarka qaada.

Wafdi Xuutiyiin ah oo tegay degmada Jilib

Xiriirka ayaa sanadkan u muuqda inuu galay heer cusub, kadib markii xubno labada kooxood ah ay yeesheen xiriir toos ah.

Wafdi afar xubnood ka koobnaa oo ka socday Xuutiyiinta ayaa bishii June ka soo tallaabay Gacanka Cadmeed, kadibna gaaray magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ay ka maamusho deegaannada koonfurta Soomaaliya.

Ilo sirdoon oo gobolka ah ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dhaqdhaqaaq kasta oo Israel ay ka sameyso Berbera.

Xuutiyiinta ayaa ka walaacsan in dekedda Berbera loo isticmaali karo saldhig lagula socdo dhaqdhaqaaqyada Yemen ama laga fuliyo weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta.

Wafdiga Xuutiyiinta ayaa sidoo kale madaxda Al-Shabaab u ballanqaaday hub iyo tababbarro ka casrisan kuwa hadda jira, sida lagu sheegay warbixin sirdoon oo Wall Street Journal ay aragtay.

Israel ayaa bishii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyey ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u diidday aqoonsigaas, waxayna ku adkeysatay in Somaliland ay weli qeyb ka tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Cabdul-Malik Al-Xuuti, ayaa tan iyo markaas ku hanjabay in kooxdiisu beegsan doonto joogitaan kasta oo Israel ay ku yeelato Somaliland.

Xiriirka oo isu beddelaya mid istaraatiiji ah

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale sheegeysa in Xuutiyiintu ay doonayaan inay Al-Shabaab ka caawiso rakibidda qalab raadaar ah oo lagula socon karo maraakiibta isaga kala goosha biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta uu taariikh ahaan ahaa mid ku saleysan ganacsi iyo dano ku-meel-gaar ah, balse xaaladaha cusub ee gobolka ay suuragal tahay inay wax ka beddeleen xiriirkaas.

“Dhaqan ahaan, xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab wuxuu ahaa mid gebi ahaanba ku saleysan wax-is-weydaarsi,” ayuu Aweys u sheegay Wall Street Journal.

“Laakiin taasi macnaheedu ma aha inaanay jirin arrimo cusub oo soo kordhay kadib dagaalkii Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo yeelan kara muhiimad istaraatiiji ah.”

Xiriirka sii xoogeysanaya ee labada kooxood ayaa walaac gaar ah ku abuuraya Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka, maadaama iskaashiga hubka, tababarka iyo xog-isdhaafsiga uu Al-Shabaab siin karo awoodo cusub, halka Xuutiyiintuna ay Soomaaliya uga faa’iideysan karaan inay saameyntooda ku fidiyaan dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed.

- Advertisement -

Read more

Local News