Soomaaliya iyo Qatar oo heshiisyo kala saxiixday

Dooxa (Caasimada Online) – Danjiraha Qatar u qaabilsan Soomaaliya  Xasan Bin Xamza oo u warramay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaas oo xooganaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Bin Xamza ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday socdaalka Farmaajo ee Dooxa, wuxuuna sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.

Safiirka ayaa wareysigiisa ku boggaadiyey xiriirka adag iyo iskaashiga haatan ka dhaxeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu danjire Xasan Bin Xamza shaaciyey in labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan dhanka waxbarashada, maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha siyaasada iyo qaybta duulista rayidka ah.

Dhanka kale wuxuu sheegay in Qatar ay haatan ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo haatan maraya meel wanaagsan.

Qatar ayaa Soomaaliya ka fuliso mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro marxalad doorasho, taas oo ay galaangal xoogan ku leedahay dowladda Qatar.