Doha (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wada-hadlay iskaashi ku saabsan dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed (National Academy of Somalia), taas oo loo qorsheynayo inay noqoto xarun lagu kobciyo hoggaaminta iyo tayada shaqaalaha dowladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali (Dhaay) ayaa xarunta Qatar Leadership Centre ee magaalada Dooxa kulan gaar ah kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan xarunta, iyadoo diiradda lagu saaray sidii Qatar uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta akadeemiyadda.
Kulanka ayaa la iskula meel dhigay in labada dhinac ay dhawaan kala saxiixdaan heshiis is-afgarad (MoU) oo qeexaya iskaashiga la xiriira dhismaha iyo horumarinta Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Daahir Guutaale iyo La-taliyaha Sare ee Ra’iisul Wasaaraha, Dr. Axmednuur Uleex, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-hadallada arrintan ku saabsan.
Qatar Leadership Centre oo fadhigeedu yahay Dooxa ayaa ku takhasustay horumarinta hoggaamiyeyaasha, tababarka madaxda iyo sare u qaadista awoodda hay’adaha dowladda, iyadoo bixisa barnaamijyo loogu talagalay madaxda sare, shaqaalaha dowladda iyo hoggaamiyeyaasha soo kacaya.
Iskaashiga lala yeelanayo xaruntan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto dhismaha Akadeemiyadda Qaranka Soomaaliyeed, oo loogu talagalay in lagu horumariyo xirfadaha hoggaamineed, maamulka dowliga ah iyo awoodda shaqaalaha hay’adaha dowladda.
Dhismaha akadeemiyadda ayaa qeyb ka noqonaya qorshayaasha isbeddelka qaran ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, tayada maamulka iyo diyaarinta jiil cusub oo hoggaan dowladeed leh aqoon iyo xirfad ku filan.
Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka Qatar booqasho rasmi ah ku joogo wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo iskaashiga labada dal uu dhinacyo badan ku fidayo.










