Somalia oo hogaaminaysa shir Addis Ababa ka dhacaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa bishan hoggaaminaysa shir muhiim ah oo looga hadlayo ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika, kaas oo diiradda lagu saari doono sidii loo horumarin lahaa isku-xirka ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Shirka oo ay ka qeyb-galayaan dalalka Geeska Afrika ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimaha la xiriira fududeynta isu-socodka ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka gobolka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa guddoomin doona shirka, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso inay muujiso doorkeeda ku aaddan horumarinta xiriirrada ganacsi iyo isku-xirka fursadaha maalgashi ee Geeska Afrika.

Wasiir Jamaal ayaa horay magaalada Addis Ababa uga qeyb-galay kulamo looga hadlayay xoojinta iskaashiga ganacsiga, horumarinta maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha Soomaaliya.

Kulamadaas ayaa sidoo kale lagu soo qaaday muhiimadda fududeynta ganacsiga, horumarinta warshadaha gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon maalgashiga gaarka loo leeyahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan xoogga saartay dadaallada lagu soo jiidanayo maalgashiga gudaha iyo dibadda, iyadoo wasaaradda ganacsiga iyo warshaduhu ay waday kulamo lala yeeshay ganacsatada gudaha iyo wafdiyo ganacsi oo ka socda dalal kala duwan.

Shirka ka dhacaya Addis Ababa ayaa Soomaaliya u noqon kara fursad ay ku soo bandhigto fursadaha ganacsi, khayraadka dalka iyo meelaha maalgashigu ka samayn karo, iyadoo sidoo kale ka xoojinaysa xiriirka dhaqaale ee dalalka gobolka.

Soomaaliya ayaa rajaynaysa in iskaashiga ganacsi ee Geeska Afrika uu gacan ka geysan karo kobaca dhaqaalaha, kordhinta wax-soo-saarka iyo abuurista fursado cusub oo ganacsi oo ay ka faa’iideystaan shacabka gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News