DF oo ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabooyin ka dhan ah faro-gelinta Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in Kenya ay faro-gelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay si deg deg ah u joojiso.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu yeeraysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya waxay sheegtay in muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood.

“Soomaaliya waxaa ka ka go’an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.”

Soomaaliya ayaa bogaadisay hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata in dalka laga xoreeyo argagixisada.

“Balse Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa in aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, fara-gelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusuusinaysa dhiggeeda dalka Kenya daris wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, inkastoo hab-dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya uu kasoo horjeedo qarannimada Soomaaliya, curfiga caalamiga, mabaadi’da Ururka Midoowga Afrika, heshiisyada labo geesoodka iyo nabadgalyada guud ee Gobolka.”