Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka Israa’iil ee Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kadib markii sarkaal Israa’iili ah, oo ay wehliyaan kooxo xagjir ah iyo ciidamo ay galeen masjidka, kadibna ay ka gaysteen xadgudubyo waawayn.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in falkan uu ka dhigan yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay karaamada iyo xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef ku ah dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee dunida ku nool.
Sidoo kale, Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan taageeridda shacabka Falastiin iyo difaaca xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakaysan ee diimaha ku yaalla Qudus.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo xadgudubka ay Israa’iil ka gaysaneyso gudaha Masjidka Al-Aqsa.
“Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan oo kale ah ee kicinta xambaarsan isla markaana la hubiyo isla xisaabtan ku aaddan cid kasta oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Waxaa kale oo ay Soomaaliya ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn isla markaana ay u istaagaan wadahadal miro dhal ah oo lagu gaari karo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda sharciyeed ee ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan.
“Soomaaliya waxay taageersan tahay xalka labada dowladood, iyada oo u aragta jidka keliya ee lagu gaari karo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe,” ayaa lasii raaciyay bayaanka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyo xallinta khilaafaadka, iyadoo loo wajahayo si nabad ah.


