25.1 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

South Africa oo caawineysa Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa sheegay inay la wadaagayaan Shacabka Soomaaliyeed xanuunkii ka soo gaaray Duufaantii ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan Deegaanada Maamulka Puntland,kaasi oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 150-Qof.

” Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan Ehalada dadkii waxyeelada ka soo gaartay Duufaanta,gaar ahaan Carruurta iyo Haweenka,kuwaasi oo saameynta ugu badan ay ka soo gaartay Masiibada Qaran,” ayuu ku sheegay Zuma hadal uu soo saaray.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Koonfur Africa in shacabka Koonfur Africca dhibta la qeybsanayaan Soomaalida dadkoodii ay jeclaayeen kuwaayay dufaanta,isagoona balan qaaday inta karaankooda ah ay ka qeyb qaadan doonaan dadaalka loogu gumrmanayo dadka saameynta ay ku yeesheen Duufaanta ku dhufatay qeybo ka tirsan Maamulka Puntland,isagoona dadkii dhaawacyada ka soo gaartay Masiibadaasi u rajeeyay bogsasho deg deg ah.

Waaxda xiriirka Caalamiga ayaa shaaca ka qaaday in ka badan 250 000 guryo ah oo dadi ay ku noolaayeen bur bureen,iyadoo sidoo kale Malaayiin Xoolo Noole ay ku dhinteen Duufaanta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News