Su’aalaha aan laga jawaabin ee weli ku xeeran shirkii New Deal ee Brussels

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Bishii Sebtember aynu soo dhaafnay 16-keedii, waxaa magaaada Brussels ka dhacay shir ay Midowga Yurub u qabteen Soomaaliya.

Shirkaas oo mudo hal maalin ah socday, ayaa waxaa diirada lagu saaray 2 arimood oo kala:

  • In beesha Caalamka Tooshka loogu iftiimiyo horumarka iyo isbadalka kajira Soomaaliya.
  • Sidoo kale qodobka 2aad ee shirkaas diiradalagusaaray ayaa ahaa in beesha Caalamka ay garab siiso oo taageero maaliyadeed lagarab istaagto doowlada haatan halsano jirsatay.

Dhamaan masuuliyiintii ka kahadashay shirkaas & Khudbadihii la jeediyayba waxaa diirada lagu saaray Himilada iyoo hiigsiga dib u dhiska Soomaaliya, waxaana midwoga Yurub & Mareeykanka ay sameeyeen ballanqaadyo xoogan oo gaaraya $815m. laakiin marka loo fiiriyo ballanqaadyadii ay beesha Caalamka u ballanqaaday dib u dhiska wadanka Afghanistaan, waa mid aad uga yar.

Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, waxay niyad wanaagsan ka muujiyeen in shirka Brussels uu yahay mid wax weyn ka badali kara Xaalada Soomaaliya oo mudo kabadan 22 sano kusoo jiray dagaalo Sokeeyo & kuwo diimeed.

Shirka Brussels, waa shirkii 3aad ee looqabto Soomaaliya, tan iyo markii lasoo doortay M/weyne Xasan Shiikh, waxaana ka horeeyay shir ka dhacay magaalada London 2012.

Marka si guud ahaan loo fiiriyo shirarka ka dhacay London iyo Brussels, waa kuwo isaga mid ah xaga ahdaafta, waayo waxaa lagu ballanqaaday in la taageero Soomaaliya, iyo in laga gacansiiyo dib u dhiska hay’adaha amaanka mudo 18 Bilood ah.

Waxaa jiray shir sidoo kale ay doowlada Turkiga ku qabatay magaalada Stanbul bartamihii 2012, laakiin shirka uu qabtay Turkiga ayaa ah mid si aad ah uga duwan shirarka London iyo Brussels, maxaa yeelay Turkiga waxa uu xooga saaray in lasyku keeno dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo helo Ummad ka mideysan xaga Siyaasada kahor intaan la dooran doowlada Federaalka ee uu hada hogaamiyo M/weyne Xasan Shiikh.

Taageerada Turkiga:

Doowlada Turiga waa doowlada sida dhabta ah ooh agar la’aanta ah ugu soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed, kadib markii qaybo badan oo kamid ah Gobolada Koofureed ku dhufteen abaaro aad u xun sanadkii 2011.

Marka loo fiiriyo Britain iyo doowladaha kale ee reer Galbeedka, Turkiga waa doowlada kaliya ee Mahsaariic horumarineed ee la taaban karo ka sameeyay Soomaaliya, oo haatan u muuqaneysa mid kazoo kabaneysa diiftii dagaalada.

R/wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan & Qoyskiisa, waxay ahaayeen masuuliyiintii kasocotay beesha Caalamka uguna horeysay ee si kal iyo laab ah ugu soo gurmada Soomaaliya sanadkii 2011, markaasoo wadanka Abaaro xoogan ku dhufteen, waxaana xiligaas uu la yimid qaybo badan oo kamid ah hay’adaha gar gaarka, kuwaasoo ilaa iyo maantadan ka howlgala qaybo kamid ah Soomaaliya.

Sidoo kale Turkiga waxa uu dalka ka dhisay Iskuulo, Jaamacado, Isbitaalo iyo xaruumo lagu quudiyo qaxootiga, sidoo kale waxa uu magaalada Muqdisho ka wadaa dib u dhiska Laamiyada muhiimka ah, waxaana mashruucaan loogu magic daray “Mataaneynta Stanbul iyo Muqdisho”.

Sidoo kale Turkigu waxa uu waxbarasho lacag la’aan ah siiyay Arday fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo haatan wax ka barta Iskuulada dalkaas iyo Jaamacadaha, sidoo kale waxa uu ballan qaaday inuu ka qayb qaadan doono dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya, laakiin waxaa tallaabadan aad u mucaaradsan oo hagar daamo ku wada Midowga Afrika iyo Reer Galbeedka oo aan rabin in dib loo dhiso Ciidamada Soomaaliyeed.

Jadwalka reer Galbeedka:

Dhaqaalaha ugu badan ee ay reer Galbeedku ugu deeqaan Soomaaliya, waxaa lagu bixiyaa Ciidamada midowga Afrika “AMISOM” ee ka howlgala Soomaaliya & hay’adaha QM ee fadhigoodu yahay Nairobi, taas micnaheedu waa in qayb  aad u yar kaalmadaas ay gaarto doowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa muhiim ah oo aad u wanaagsanaan lahayd in la taageero dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed, kuwaasoo hadii si dhab ah loo taageero awood u yeelan kara mudo 2 Sanadood gudahooda ah ineey la wareegaan amniga dalka, laakiin sida muuqata beesha Caalamka daacad kama ahan arintaas.

Wax qabadka la taaban karo ee ay reer Galbeedku ugu deeqeen Soomaaliya, waa Baalayaasha ku shaqeeya Cad-ceeda ee laga taagay qaybo kamid ah wadooyinka Muqdisho, sida Maka Al-mukarama, Wadada Wadnaha iyo Wadada Sodonka, waxaana Baalayaasha ku deeqday doowlada Norway.

In badan oo shacabka Soomaaliyeed kamid ah, ayaa aaminsan in reer Galbeedku aysan daacad ka ahayn in Soomaaliya ay Cagaheeda isku taagto mar 2aad.

20-kii Sano ee lasoo dhafay Istiraatiijiyada reer galbeedku kula dhaqmayeen Soomaaliya, waxay ahayd ineey gudaha dalka kusoo faafiyaan Ciidamada dowladaha Afrikanka ah ee iyaga u shaqeeya, sidoo kale reer Galbeedku waxa ay isticmaali jireen Hogaamiyo kooxeedyo iyaga si gaar ah ugu fuliya danahooda iyo kuwo kaloo ku ganbanaya magic diimeed.

Reer Galbeedku waxa ay si hagar la’aan ah u garab istaagteen una maal galiyeen Ciidamada AMISOM, kuwaasoo dagaaloxoogan uu mudo socday kadib ku guuleystay ineey shabaab ka saaraan magaalooyin farabadan oo Koofurta Soomaaliya ku yaal, laakiin ilaa iyo hada ma muuqato tallaabo cad oo ay reer Galbeedku dib ugu dhisayaan Ciidamada Soomaaliya, waxaana taas ay la micno tahay in Soomaliya aysan xur ahayn yeelan karina hadaf siyaasadeed.

Sida uu ku guuleysan karo Heshiiska New Deal:

  1. Waxaa jiray mashaariic iyo heshiisyo hore oo ay reer Galbeedku ugu tala galeen Soomaaliya oo fashilmay, hadaba si aysan taas oo kale u dhicin, waxaa waajib ah in reer Galbeedku ay Jadwalkaan soo socda.
  2. Waa in si xoogan loo maal geliyaa dhamaan hay’adaha kala duwan ee doowlada
  3. Waa in Mashaariicda kala duwan ee dalka gudihiisa laga qabanaayo ay inta ugu badan ka shaqeeyaan dad Soomaaliyeed, halkii ay ka howlgali lahaayeen dad Ajnabi ah.
  4. Waa in reer Galbeedku bil walbo mudo 5 sano ah $270m ku qarasha gareeyaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya, si ay u badalaan Ciidamada AMISOM, kuwa Kenya iyo Ethiopia, kuwaasoo haatan Soomaaliya ka howlgala.
  5. Waa in reer Galbeedku ay si toos ah Kaalmooyinka ugu wareejiyaan doowlada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo iyadana sii gaarsiin doonta dhamaan qaybaha kala duwan iyo maamulada dalka.