Puntland: Suldaan caan ah oo lagu dhex-dilay masjid

Boosaaso (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa maanta masaajidka Mubarak ee magaalada Boosaaso ku dhex dilay Suldan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimidda caanka ah ee Puntland.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in Suldaanka oo fadhiyay safka labaad ee masaajidka, isla markaana aqrisanayay qur’aan uu nin bistoolad ku hubeysnaa madaxa hal xabad kaga dhuftay kaddibna uu goobta ku dhintay.

Xilliga uu dilka dhacay oo ahayd abaaro 12-kii duhurnimo ayay jamaacada masaajidka isu diyaarinaysay dhageysiga khudbada ka horreysa salaadda Jimcaha ee maanta.

Ninka dilka geystay ayaa markiiba bam gacmeed ku tuuray ilaalo bannaanka ku sugneyd oo isku dayday in ay qabtaan, kaddibna orod kaga baxsaday goobta.

Ma jirin cid wax ku noqotay bamka uu tuuray. Ciidamada amniga Boosaaso ayaa sheegay in ay ku raad joogaan qofka dilay suldaanka.

Ilaahay Naxariistiisa janno ha siiyo Suldaan Bashiir Muuse Koonte \, waxaa uu ka mid ahaa isimadda sida weyn looga yaqaan Puntland, gaar ahaan gobolka bari oo uu degaan ahaan ka soo jeedo.

VOA