Taliska ciidanka xoogga oo baaraya tacaddi ay askar kula kaceen maxbuus dagaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inuu bilaabay baaris hordhac ah oo lagu sameynayo muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey oo muujinaya tacaddi loo geystay maxbuus dagaal.

Taliska ayaa sheegay in baaritaanka uu ku saabsan yahay xubno ka tirsan ciidanka xoogga oo la sheegay inay faafiyeen muuqaalka, kaas oo muujinaya tacaddiga loo geystay maxbuus dagaal, xilli uu socday howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay in falka muuqaalka lagu arkayo iyo fal kasta oo la mid ah ay si cad uga hor imaanayaan xeerarka anshaxa, nidaamka ciidanka iyo shuruucda dagaalka ee ciidamada Soomaaliya.

Taliska ayaa ciidamada uga digay inay ku kacaan falal noocan oo kale ah, isagoo caddeeyay in si adag loola xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo inay ku xad-gudubtay xeerarka iyo anshaxa ciidanka.

“Waxaa tallaabo sharci iyo mid ciidan oo adag laga qaadi doona xubin kasta oo lagu helo inuu ku xad-gudbay xeerarka dagaalka, xuquuqda maxaabiista iyo xuquuqda aadanaha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taliska Ciidanka Xoogga ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in ciidamada ay dhowraan xeerarka iyo nidaamka u degsan howl-gallada milatari, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda maxaabiista dagaalka.

Bayaankan ayaa kusoo aadaya xilli baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal muujinaya askar tacaddi u geysanaya maxbuus dagaal oo lagu qabtay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News