Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa si cad u sheegay in Washington aysan wax qorshe ah ka lahayn inay saldhig ciidan ka sameysato deegaanada Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.
Anderson ayaa sidoo kale ku celiyay in siyaasadda Mareykanka ay weli taageersan tahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in Washington ay ka fikirayso inay aqoonsato Somaliland.
Wareysi ay Jimcihii 31-ka Luulyo baahisay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Anderson lagu weydiiyay booqashooyinka soo noqnoqday ee saraakiisha AFRICOM ay ku tagaan Somaliland iyo haddii booqashooyinkaas ay hordhac u yihiin qorshe saldhig ciidan looga dhisayo halkaas.
“Ma jiro wax qorshe ah oo saldhig looga dhisayo Somaliland,” ayuu yiri Jeneraal Anderson.
Markii la weydiiyay in Mareykanku Somaliland u aqoonsan karo dal ka madax-bannaan Soomaaliya, taliyaha AFRICOM ayaa sheegay in mowqifka Washington uusan waxba iska beddelin.
“Siyaasadda Mareykanka waxay ahayd, welina tahay, taageeridda madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Taasi waxba iskama beddelin,” ayuu yiri.
Booqashooyinkii Berbera
Su’aalaha ku saabsan qorshaha Mareykanka ayaa xoogaystay kadib booqashooyin ay saraakiil sare oo AFRICOM ah ku tageen Hargeysa iyo Berbera.
Anderson ayaa bishii November 2025 hoggaamiyay wafdi sare oo AFRICOM ah oo booqday Somaliland, isaga oo sidoo kale kormeeray dekedda iyo garoonka diyaaradaha Berbera.
AFRICOM ayaa xilligaas sheegtay in booqashadu qeyb ka ahayd safar Bariga Afrika ah oo looga gol lahaa xoojinta iskaashiga amniga iyo mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Taliska Mareykanka ma uusan sheegin in booqashadu la xiriirtay qorshe lagu dhisayo saldhig ciidan.
Berbera waxay ku taallaa Gacanka Cadmeed, meel aan ka fogeyn marin-biyoodka Bab al-Mandab ee isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Maraakiibta isticmaasha marin-biyoodkaas ayaa sanadihii dambe la kulmay weerarro ay qaadeen Xuutiyiinta Yemen, taas oo kordhisay muhiimadda militari iyo ganacsi ee xeebaha ku dhow marin-biyoodka.
Dekedda Berbera waxaa maamusha shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, halka Abu Dhabi ay sidoo kale maalgashi ku sameysay garoonka diyaaradaha iyo aagga ganacsiga xorta ah ee magaalada.
Goobta ay Berbera ku taallo iyo dhabaha dheer ee diyaaraduhu ku ordaan ayaa magaalada ka dhigay meel ay daneynayaan quwadaha ku tartamaya Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Wararka saldhigga
Mala’awaalka ku saabsan saldhig Mareykan ah ayaa sii kordhay kadib warbixin ay wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde daabacay horraantii Luulyo.
Warbixinta ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta uu ballaarin militari ka sameynayo garoonka Berbera, iyadoo goobta mustaqbalka ay isticmaali karaan ciidamada Imaaraadka, Mareykanka iyo Israel.
Mareykanka ma uusan xaqiijin sheegashadaas, halka hadalka Anderson uu hadda si toos ah meesha uga saarayo in Washington ay qorsheyneyso saldhig ciidan oo Somaliland laga dhiso.
Arrinta Berbera ayaa sidoo kale dood dhalisay bishii Maarso 2025, kadib markii la faafiyay qabyo-qoraal warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu talagalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Qabyo-qoraalkaas ayaa Mareykanka loogu soo bandhigay inuu helo marin iyo awood hawlgal oo uu ku isticmaalo dekedaha iyo garoomada Berbera, Boosaaso iyo Balli-doogle, si loo xoojiyo iskaashiga amniga.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xilligaas xaqiijiyay in dokumentigu ahaa qabyo-qoraal sax ah, balse ma uusan xaqiijin in nuqulkii ugu dambeeyay loo diray Trump.
Somaliland ayaa ka hortimid soo-jeedintaas, iyadoo ku doodday in dowladda federaalka aysan awood u lahayn inay dal kale u soo bandhigto dekedda ama garoonka Berbera.
Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, waxayna tan iyo markaas yeelatay maamul, ciidan iyo hay’ado u gaar ah.
Inkasta oo Somaliland ay dadaal xooggan ku bixisay raadinta aqoonsi caalami ah iyo xiriir toos ah oo ay la yeelato Washington, Mareykanka ayaa ku adkeysanayay taageerada midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalka Anderson ayaa muujinaya in booqashooyinka militari ee Mareykanka uu ku tago Somaliland aysan, ugu yaraan hadda, ka dhigneyn in Washington ay beddeshay siyaasaddeeda ku saabsan aqoonsiga ama ay qorsheyneyso joogitaan ciidan oo rasmi ah.
Jeneraal Anderson ayaa hadalkan jeediyay intii uu booqasho ku joogay Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda amniga Soomaaliya iyo saraakiil Mareykan ah.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka iyo xaaladda guud ee amniga dalka.[td_smart_list_end]

