Taliyaha ciidanka Puntland oo madaxweyne isku soo sharxay iyo C/Weli Gaas oo durba tallaabo ka qaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taaganyahay doorashada madaxtinnimada Puntland ee sanadka soo socda, Gen. Siciid Dheere ayaa go’aanka qaatay xilli uu weli ahaa Taliyaha guud Ee Daraawiishta Puntland.

Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Waxaa waayadan dambe dhankeyga ku soo badanayey talo iiga imaaneysa bulshada Puntland qeybaha kala duwan isimmada, cuqaasha, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taladaas oo ah in aan ka mid noqdo mas’uuliyiinta u tartameysa hoggaanka Puntland sanadka 2019-ka.

Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)  ayaa Sababaha uu isu soo sharaxay waxaa uu ku sheegay sarreynta sharciga oo hoos u dhacday,  isaga oo intaasi raaciyey “ markaan arkey dhaqaalaha dalka meesha uu marayo, markaan arkey amniga dalka meesha uu marayo, markan arkey arrimaha bulshada dhan dhaqan iyo dadweynaha, markan arkey cawadga Puntland oo daafaha deegaannada ka soo fidaya, markaan arkey colaadaha ka dhex aloosan beelo ka mid ah deegaanka, waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntand midnimo, cadaalad iyo sinnaan”.

Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaa uu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo inuu reer Puntland uga faa’ideeyo khibradiisa 40 sano iyo inuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka nool aasaasayaashii Puntland.

Kadib go’aankaas, ayaa madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu xikii ka qaaday Saciid Dheere, waxa uuna isla maanta oo ah 28 October 2018 waxa magacaabay taliye cusub.

Gaas ayaa soo saaray xeer Madaxweyne Lr.157 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen loo magacaabay Taliaya Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com