Taliyaha ciidanka nabad-sugida ee Sh/Dhexe oo la kharijiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow halkaasi lagu dilay Taliyihii Nabad Sugidda Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacabaa C/wali Jumbur, waxaana dilkiisa la sheegay inuu fuliyay mid kamid ah ilaaladiisa, kaasi oo markii danbe goobta ka baxsaday.

Dilka Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka dhacay hooygiisa oo ku yaalla Magaalada Jowhar.

Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaan wali ka hadal dilka Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Sh/dhexe.

Lama oga waxa uu salka ku hayay dilka Taliyaha inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Askariga dilka fuliyay uu horay uga soo goostay Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com