Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula yeeshay saraakiil ka socotay ciidamada difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda, kaas oo si gaar ah uga ka dhacay xafiikiisa.
Wafuudaan ayaa magaalada Muqdisho uga qayb-galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku taageera Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) oo lagu qabtay caasimada Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray is xogwaraysi iyo mahadcelin ku aaddan guusha shirka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku taageera dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Taliye Ibraahim ayaa uga mahadceliyay wufuudda kaalinta ay dalalkoodu ka qaadanayaan taageerada Ciidanka XDS iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isagoo xusay in iskaashiga dhow uu door muhiim ah ka qaato horumarinta awoodda Ciidanka iyo xaqiijinta amniga Soomaaliya.
Dhankooda, madaxda wufuudda ayaa bogaadiyay martigelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashiga iyo taageerada ay la garab taaganyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday kulamo iyo wada-tashiyo joogto ah oo ay la yeelanaysay waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya si loo mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.
Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu dhow Soomaaliya dhinaca iskaashiga amniga iyo difaaca, waxaana ciidamadoodu qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee hadda ka socda gudaha Soomaaliya.
Waddamadan ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageera tababarka ciidamada, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.



