Tallaabada Puntland iyo Jubaland ma horseedi kartaa in DF hesho muddo kordhin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Diidmada Puntland iyo Jubaland ee heshiiskii shirka Dhuusamareeb 3 ee arrimaha doorashooyinka, waxay ka dhigan tahay inaanu heshiiskaas dhaqangeli doonin illaa mar kale la isku yimaado oo la qabto wada-hadallo ay qeyb ka yihiin.

Diidmadaas waxay sidoo kale ka dhigan tahay in muranka la xiriira doorashada uu weli sii socon doono, taasi oo macnaheedu yahay in dhammaadka muddo xileedka dowladda uu soo dhowaanayo, ayna suurta-gal tahay in waqtiga dowladda uu dhamaado ayada oo aanay dowlad cusub iman.

Hase yeeshee, haddii Puntland iyo Jubaland ay kasoo horjeedaan muddo kororsi ay xukuumadda iyo baarlamanka ay helaan, ma la dhihi karaa tallaabooyinka ay qaadayaan ayaa taas xaqiijinaya. Waxaa sidaas qaba xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka tirsan golaha shacabka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in haddii labadaasi maamul “ay carqaladeeyaan” doorashada, oo aanay doorasho dhicin ay muddo kordhin heli doonaan baarlamanka iyo xukuumadda hadda jira.

Waxa uu sababta ku sheegay inaanan la ogolayn in dalka ka dhacdo dowlad la’aan, illaa iyo inta dowlad cusub laga soo dhisaayana, uu sii shaqayn doono Baarlamaanka haataan jira.

“Haddii ay is hortaag ku sameeyan eedooda iyagaa qaadaya, doorasho dhici doontaana malaha. Aniga warka horeyna waan u sheegay, haddii ay doorashada is hortaag ku sameeyan Baarlamaankaanaa sii jooggaa, lama ogolo dowlad la’aan. Dalkeenu waa Baarlamaani ee ma nihin dowlad la soo doorto. Baarlamaankaa joogaayo illaa ay ka ogolaadaan, xaqiiq waaye taasa” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Hase yeeshee, Prof. Cabdi Xuseen Gacal oo ku sugan Muqdisho ayaa qaba fikir kaas ka duwan, wuxuuna sheegay in kulamaa waqtiga sii dhowaado ay sii yaraaneyso sharciyadda xukuumadda hadda jirto.

“Haddii dowladda ay doorasho qaban weyso waxaa iman doona xilli ay isku mid yihiin ayada iyo mucaaradka marka ay noqoto sharciyadda iyo awoodda, waxaana la gaari doonaa xitaa xilli ay saraakiisha ciidamada waxba ka maqal madaxweynaha,” ayuu yiri.

“Waa macquul in baarlamanka iyo xukuumadda dhowr bil sii shaqeeyaan balse xaqiiqda ayaa ah in madaxweynaha uu bixi doono marka waqtiga uu dhammaado, haddii aanba la radin ka hor, waayo haddii xaalku sidan ahaado waxaa sii badan doona qalalaasaha.”

Si kastaba beesha caalamka ayaa hadda ka shaqeyneysa inay meel isugu keento dhinacyadii saxiixay iyo kuwii diiday heshiiska Dhuusamareeb 3, si loo gaaro heshiis kama dambeys ah oo hogaamin kara in doorasho la qabto.