Roma (Caasimada Online) – Tirada dadka ku nool Talyaaniga ayaa la filayaa inay hoos u dhacdo ku dhowaad afar milyan oo qof marka la gaaro 2050, arrintaas oo cadaadis weyn saari karta dhaqaalaha dalka iyo nidaamka daryeelka bulshada, sida ay Isniintii ka digtay hay’adda tirakoobka qaranka ee ISTAT.
Saadaasha cusub ee hay’adda, oo gaareysa ilaa 2080, ayaa muujineysa in dadka Talyaaniga ay ka yaraan doonaan 58.9 milyan oo qof oo ay ahaayeen bilowgii 2025, una dhici doonaan qiyaastii 55 milyan sannadka 2050.
Haddii isbeddelka hadda socda uu sii jiro, ISTAT waxay saadaalisay in tirada dadka dalka ay hoos ugu sii dhici doonto 45.8 milyan marka la gaaro 2080.
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in Talyaanigu uusan oo keliya lumin doonin dad, balse sidoo kale uu si degdeg ah u duqoobayo, iyadoo tirada dadka shaqeeya ay hoos u dhacayso halka dadka hawlgabka ah ay sii badanayaan.
Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa markii ay xilka qabatay 2022 sheegtay in kordhinta dhalmada ay ka mid noqon doonto mudnaanta ugu weyn ee dowladdeeda, hase yeeshee dadaalladaas ayaan ilaa hadda wax weyn ka beddelin hoos-u-dhaca dhalmada.
Dhalmada Talyaaniga ayaa si joogto ah hoos ugu dhacaysay tan iyo 2008. Sannadkii hore waxaa dalka ku dhashay qiyaastii 355,000 oo carruur ah, waana tiradii ugu hooseysay ee la diiwaangeliyo tan iyo mideyntii Talyaaniga sanadkii 1861-kii.
ISTAT waxay sheegtay in tirada dhalmada sannadlaha ah la filayo inay si guud u degganaato ilaa 2030, ka hor inta aysan mar kale hoos u dhicin, iyadoo sannadka 2050 la saadaalinayo in dalka ay ku dhalan doonaan qiyaastii 335,000 oo carruur ah.
Tirada dhimashada oo sii kordheysa
Dhanka kale, tirada dhimashada ayaa sii kordheysa sababo la xiriira gabowga bulshada. Qiyaastii 652,000 oo qof ayaa dhintay sannadkii hore, halka dhimashada sannadlaha ah la saadaalinayo inay gaarto heerkii ugu sarreeyay oo ah 869,000 qof sannadka 2058.
Kororka dhimashada ayaa qayb ahaan la xiriira jiilkii tirada badnaa ee dhashay sannadihii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, kuwaas oo hadda si tartiib tartiib ah u gaaraya da’da waayeelnimada.
Saadaasha ISTAT ayaa sidoo kale muujineysa isbeddel weyn oo ku imaanaya qaab-dhismeedka bulshada Talyaaniga.
Dadka da’doodu tahay 65 sano iyo wixii ka weyn, oo sanadkii 2025 ahaa 24.7 boqolkiiba dadweynaha, ayaa la filayaa inay gaaraan 34.5 boqolkiiba marka la gaaro 2050.
Isla muddadaas, dadka da’doodu u dhexeyso 15 iyo 64 sano, kuwaas oo loo arko dadka ugu muhiimsan suuqa shaqada, ayaa hoos uga dhici doona 63.4 boqolkiiba ilaa 55.3 boqolkiiba.
Taasi waxay ka dhigan tahay in mustaqbalka ay jiri doonaan shaqaale tiro ahaan sii yaraanaya oo laga doonayo inay taageeraan bulsho ay sii kordhayaan dadka hawlgabka ah iyo kuwa u baahan adeegyada caafimaadka iyo daryeelka.
ISTAT waxay ka digtay in isku darka shaqaale yaraanta iyo tirada dadka hawlgabka ah ee sii kordheysa ay keeni doonaan “caqabadaha cusub ee nidaamka dhaqaalaha iyo daryeelka bulshada”.
Hoos-u-dhaca dadweynaha sidoo kale si isku mid ah uma saameyn doono dhammaan gobollada Talyaaniga.
Koonfurta dalka, oo dhaqaale ahaan ka liidata waqooyiga, ayaa la filayaa inay wajahdo khasaaraha ugu weyn. Dadka koonfurta Talyaaniga ayaa saadaasha lagu sheegay inay ka yaraan doonaan 19.7 milyan sanadkii 2025 una dhici doonaan 16.7 milyan sannadka 2050.
Gobollada waqooyiga iyo bartamaha dalka ayaa iyaguna dad lumin doona, balse hoos-u-dhaca halkaas ka dhacaya ayaa la filayaa inuu ka yaraado kan ka dhacaya koonfurta.
Isbeddelladan ayaa sii xoojinaya walaaca muddo dheer ka jiray Talyaaniga iyo dalal kale oo badan oo Yurub ah, kuwaas oo wajahaya dhalmo hooseysa, bulsho sii gabowda iyo su’aalo isa soo taraya oo ku saabsan sida loo sii maalgelin karo nidaamyada hawlgabka, caafimaadka iyo adeegyada bulshada mustaqbalka.

