Tarsan: 8 sabab waqtiga ha loogu kordhiyo BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo todobadyadii ugu dambeeyay aragtiyo ka dhiibanayay  arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa soo jeediyay 8 Qodob oo ku wajahan gudoomiyaha baarlamaanka iyo labo qodob oo ku wajahan madaxweyne Xasan Sheikh.

Hoos ka Akhriso.

Sideed sababood oo muhim ka dhigeysa in barlamaanka hadda jira laba sano loo kordhiyo si dalka awoodiso ugu dhicin meel maran (power Vacuum) fursadna loo siiyo in ay doortaan madaxweyne cusub taas oo keenikarata isbedel iyo in la gaaro qof iyo cod 2018.

1- hadii barlamaankaan la kala diro ayada oo ayna jirin wax heshiis lagu yahay, taasna ma muuqato sida hadda arimaha siyaasado ku socdaan. Waxaa aad u atkaan doonta in mar kale la dhiso baarlamaan federaal ah oo ay Somaalidu ku mideysantahay.

2- Waxaa la waayidoona dowlad dhexe oo caalamku aqoonsanyahay

3- Waxaa sii kala fogaandoona dowlad gobleeyada hada jira, halkaas oo ay ka dhalandoonto colaad cusub oo ka dhex aloolsama dowladahaas.

4- waxaa xogeysandoona Shabaab oo u kala hiilindoona dowlad gobleeyada

5- waxaa la waayidoonaa qaran Somaaliyeed wax u taagan.

6- waxaa aqoonsi helidoonta Somaliland, Puntland waxey ku dhawaaqidoontaa in ay ka godey Somaaliya waxeyna helidoontaa aqoonsi la mid ah midka Somaliland, Jubaland waxey ku dhawaaqidoontaa ayaduna in ay ka godey Somaaliya ayaduna waxey helidoontaa aqoonsi kaas la mid ah.

7- Waxaa dagaalo cusub ka dhex curandoontaa qabaa’ilka dega ( South Central Somaaliya)

8- Waxaa soo bixidoona dagaal ogayaal cusub. Halkaas waxaa ku dhamaandoona filimka ay jilahayaan IGAD, Beesha Caalamka iyo Madaxda dalka hogaamineysa. Bye bye Qaran Somaaliyeed.

Si ayeyna taas u dhicin waxaa lagama maarmaan ah in laba arin la suurto geliyo.

1- In Barlamaanka hada jira loo gordhiyo Laba sano oo ay doortaan Madaxweyne cusub iyo xukuumad. Labadaas sanana lagu gaarsiiyo Somaaliya doorasho xor ah oo qof iyo cod ah.

2- In Madaxweyne Hassan Sheikh uu damaciisa dib u laqo oo uu qiimeyn ku sameeyo naftiisa iyo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marahayo, lana yimaado tanaasulaad inta uu ogolaan lahaa wax kasta oo aan dalka dan u aheyn si uu kursiga ku sii fadhiyo.

Madaxweyne Hassan Sheikh waa in uu ka tanaasulaa in uu ku xiro waqti kordhiska barlamaanka in asagana loo kordhiyo. Si uu uga tago wax lagu xasuusto waa in ka tanaasulaa in uu mar kale u tartamo hogaanka dalka si uu dalka uga badbaadiyo halaaga uu ku socdo, inta u harteyna uu dhex dhexaad ugu noqdo siyaasada ka socota dalka si ay ummadu u aaminto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com