Tarsan oo sheegay in caruurtii Dhego-badan ay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihi hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa digniin u diray dowlada Soomaaliya oo ah ineysan iloobin caruurtii uu ka geeriyooday Generaal Dhaga-badan.

Gudoomiye Tarsan ayaa ku dhaliilay dowlada Soomaaliya iney dayacday saraakiishii hogaanka u heysay weeraradii Alshabaab looga saaray dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Generaal Dhagabadan oo ku dhintay weerarkii Hotel Saxafi.

Wuxuu sheegay in Generaal Gacma Dulle iyo Dhagabadan ay yihiin kuwo  shacabka dhexdiisa sumcad weyn ku leh maadaama ka saareen Alshabaab magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayuu kula dardaarmay ineysan dayacin caruurtii uu ka geeriyooday Generaal Dhagabadan, isagoo sheegay in horey isaga loo dayacay sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Somaliya waxaan leeyahay yaanan la dayacin caruurtii uu ka tagay Marxuum Dhega badan hala ogaado horay ayaa loo dayacay Marxuumka isaga iyo Saraakiil kaleba.” Ayuu yiri Tarsan oo ka hadlaayay kulan loogu baroordiiqaayay dadkii ku dhintay Hotel Saxafi oo London lagu qabtay.

Waxyaabaha lagu xasuusan doono DHagabadan ayuu ku sheegay iney kamid tahay inuusan inta badan fariisin jirin xafiiskiisa uu ka jeclaan jiran inuu booqdo farumaha dagaalka si uu u dhiiri geliyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com