Tarsan: Al-Shabaab oo kaliya ma ahan qaraxyada magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxyada iyo amaan xumida ka jirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aysan Al-Shabaab kaliye ahayn ee ay jiraan kooxo caadeestay in ay magaalada aysan nabad ka dhalan.

Tarsan ayaa yiri “Kuwaasi waa cadowga ummadda, waa cadow ay lee dahay Muqdisho, waa ku gudbinaya fariin in magaalada Muqdisho aysan ahayn ammaan, waa nasiib darada heesata dadka reer Muqdisho oo aan ka qabaneynin kuwa falalkaas xun geesanaya” ayuu yiri Tarsan

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa cadeeyay in Al-Shabaab kaligood aaneyn magaalada ka wadin qas ee ay jiraan kooxo calooshood u shaqeestayaal ah.

“Ma ahan dadka in ay booliska iyo hey’addaha ammaanka sugaan waa in ay gacanta ku soo dhigaan qofka raba in magaalada ay noqoto meel dansan oo bahalo galeen ah” ayuu markale yiri Tarsan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri

“Waxaad arkeysaa baabuur ordaya oo bamb laga tuuray, qof ordaya oo bamb tuuray, wadooyinka Muqdisho waa ciriiri haddana in laga daba tago qofkaas lama soo qabanayo marka waa nasiib daro heesata dadka reer Muqdishow” ayuu yiri Tarsan.

Hadalka Tarsann ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaley magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo iyo xabado, kuwaasoo ilaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Waxaana weeraradii iyo qaraxyada sheegatay Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com