Thabit Cabdi oo Muqdisho kusoo laabtay maalin kahor xuska musiibadii Soobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa saakay diib ugu soo laabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ,iyadoo la hadal hayo in berri si weyn loo xusuusan doono dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Soobe 14kii October 2017.

Thabit oo ahaa masuulkii xooga ugu badan galiyay in aanu khasaaruhu intaa ka badan, dhawaca loo gurmado, sidoo kalana la samar siiyo dadkii ehelkooda waayay ayaa sheegay inuu u yimmid Muqdisho arrimaha xusuusta 14October.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa bilihi lasoo dhaafay ku sugnaa Nairobi, mana jirin wax dhaqaaq ah siyaasadeed oo ah uu sameeyay waxaana la sheegaya inuu aaminsan yahay in Dowlada hada jirta waqti fiican la siiyo si ay wax u qabato.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya ,maamulka gobalka Banaadir, siyaasiyiinta waa weyn, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa la filaya iney si weyn ugu soo baxaan xuska xasuuqii Soobe iyadoo loo duceyn doono shuhadadii naftooda waayay.

Thabit Cabdi oo ay Caasimada Online la xiriirtay ayaa sheegay inuu dhowr maalmood joogi doono Muqdisho si uu uga qeyb galo Xasuusta Qaran ee dadkii lagu laayay Zoobe, wuxuu sheegay inuu Berri iska furaayo caalamada gacanta ugu xiran uuna sidoo kale la kulmi doono qaar ka mid ah dhibanaayashii Zoobe.

Wuxuu Thabit sheegay in 14ka October ay tahay maalin uusan qofna iloobi karin ayna muhiim tahay in si midnimo leh loo xuso, wuxuuna Soomaalida oo dhan ka codsaday iney usoo baxaan xusuusta Qaran, oo ay walaalahood u duceeyaan.

Qaraxii dhacay 14kii October ayaa si baaxadleh u saameeyay bulshada reer Muqdisho balse ilaa hada wax cadaalad ah ma aaney helin dhibanayaashii Soobe.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
caasimada@live.com