TOOS: Daawo hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada aqal ee baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Onine) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah maanta uga bilaabatay hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, taas oo haatan ka socota xarunta labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka oo goordhow furmay ayaa waxaa lagu bilaabay dhaarinta xildhibaano cusub oo dhowaan lasoo doortay, kuwaas oo kala aha:-1-Jaamac Taqal Cabaas oo lagu soo doortay Koonfur Galbeed 2-Maxamed Axmed Maxamuud (Beerey) oo lagu soo doortay Jowhar, HirShabelle 3-Xasan Budul Cali oo lagu soo doortay Kismaayo, Jubbaland 4-Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo lagu soo doortay Jowhar, HirShabelle.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa guda-galay dhageysiga khudbadaha musharixiinta oo ka hadlaya barnaamijkooda waxqabad iyo taariikh nololeedkooda.

Xubnaha isku soo taagay xilka guddoomiyaha ayaa gaaray illaa siddee xubnood, waxayna kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Dhinaca kale xarunta Golaha Aqalka Sare waxaa iyana haatan ka socota hadal jeedinta musharixiinta guddoomiyaha Golahaasi, waxaana isku taagay musharixiinta kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Musharixiinta ayaa la siiyey fursad ah min 15 daqiiqo oo ay kusoo koobi doonaan khudbadahooda, iyada oo kadib loo geli doono ku xigeenada labada Aqal.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.