Daawo: Sidee ayey maanta u dhacday xil wareejinta madaxweynaha cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomalaiya waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo si weyn loo soo qaban qaabiyey.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay madax kala duwan oo ay ugu horreeyaan guddoomiyeyaasha labada Aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada iyo kooxda Baambeyda ayaa qayb ka ahaa munaasabadda oo ka dhacday barxadda weyn ee madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa maanta si rasmi ah xilka isugu wareejiyey, waxayna madasha ka jeediyeen hadallo ay isku soo dhoweynayaan iyo kuwa ay isku macsalaameynayaan.

Madaxweynihii hore oo khudbadda qaatay ayaa marka hore faah faahin ka bixiyey xil warreejinta dowladdii uu soo xukumayey iyo waxyaabaha uu ku wareejinayo Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.

Farmaajo ayaa intaasi, kadib u mahadceliyey taageerayaashiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday inuuu la shaqeyn doono Madaxweyne Xasan.

“Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba Insha allah waxaan kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhankiisa Madaxweynaha cusub oo ka hadlay xil wareejinta ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuuna sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono.

“Madaxweynuhu si tartiib ah oo nidaam ah ayuu iigu wareejiyey xilka dukumintiyaasha iyo mashaariicda feylasha waa weyn oo Madaxweynuhu ka hadlay oo dhan waan la wareegay tartiib ayaa dib dib ugu aqrin doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhacdadaan ayaa aheyd mid xiiso badan, waxayna uga duwaneyd munaasabadihii hore in labada nin ee mid sii galay Villa Soomaaliya mid kalena kasoo baxay ay horey sidan oo kale xilka isugu wareejiyeen, kadib doorashadii 2017-kii oo loo adkaaday Xasan Sheekh oo isna haatan doorashada 2022 uga guuleystay Farmaajo oo uu horey ugu wareejiyey talada.

Si kastaba, munaasabaddan ayaa dhammeystir u ah doorashadii soo socotay mudada sanadka ka badan, waxaana xafiiska ku wareegaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.