Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta oo Isniin ah gaaray Israa’iil iyada oo dhinaca kale Qaza ay ka bilaabatay siideynta maxaabiista Israa’iil.
Diyaradda sidday Trump ayaa goordhow ka degtay garoonka Ben Gurion, oo ku yaalla duleedka magaalada Tel Aviv, wuxuuna si kooban socdaal ugu tegay halkaasi.
Trump ayaa la kulmi doono mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkof, Jared Kushner oo uu Trump sodog u yahay iyo gabadha uu Trump dhalay, Ivank trump.
Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo xarunta Baarlamaanka Israa’iil ee loo yaqaan Kenneset, kadibna wuxuu berri tegi doonaa Masar, halkaas oo shir weyn uu kula yeelan doono madaxda 20 dal oo ka mid ah dalalka Carabta iyo Muslimiinta.
Dhinaca kale, kooxda Xamaas ayaa sii daysay qeybtii ugu horeysay maxaabiista Israa’iil oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.
Illaa 7 maxbuus ayaa la daayay, kuwaas oo hadda kusii jeeda Israa’iil, waxaana haatan socda qorshe ay qeybta labaad ee maxaabiista Xamaas sii deyneyso, iyada oo lagu wareejinayo Laanqeyrta Cas.
Waxaa kale oo dhankeeda Israa’iil ay sii deyneysaa ilaa 1966 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa xabsi daa’iin, waxaana haatan magaalada Daanta Galbeed iyo sido kale Marinka Gaza ka socda xaflado lagu soo dhaweynayo maxaabiista.
Ragga muhiimka ee lasoo daynayo waxaa kamid ah Naji al-Jafrawi oo la dhashay suxufigii Saleh al-Jafrawi oo shalay ay dileen kooxo hubeysan oo xiriir dhow la leh Israa’iil, iyada oo ujeedka uu yahay in qoyska reer Jafrawi ay helaan beddelka wiilkooda geeriyooday, sida ay werisey Quds News.
Farxad ayay maanta dareemayaan reer Qaza oo soo dhaweyn doono ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’iil oo qasab loo soo furtay, kuwaas oo lagu beddelanayo 20 Israa’iiliyiin ah.


