Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn, islamarkaana kala hadlin madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, qorshaha muranka dhaliyey ee ururkaasi uu doonayo inuu qayb ka mid ah xuquuqdiisa ganacsi ugu wareejiyo maal-gashadayaal gaar ah.
Trump ayaa hadalkan Jimcihii ka sheegay kulan ay golihiisa wasiirradu ku yeesheen Camp David, kaddib markii wariye uu weydiiyey inuu Infantino kala hadlay qorshaha cusub ee FIFA.
“Lama aanan hadlin,” ayuu Trump ku jawaabay, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin mowqifkiisa ku aaddan qorshaha.
FIFA ayaa toddobaadkan soo bandhigtay hindise ay ku doonayso inay balaayiin dollar ku ururiso, iyadoo saamiyo ka mid ah xuquuqdeeda ganacsi, oo ay ku jiraan kuwa Koobka Adduunka, ka iibinaysa maal-gashadayaal gaar ah.
Qorshaha ayaa durba dhaliyey mucaaradad xooggan oo uga timid xiriirrada kubadda cagta ee qaaradaha iyo saraakiil ka tirsan FIFA.
Qaadacadda UEFA
Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku hanjabay in 55-ka xiriir qaran ee xubnaha ka ah aysan ka qeyb geli doonin tartamada FIFA haddii ururka caalamiga ahi ku sii adkeysto qorshaha maal-gashadayaasha gaarka ah.
UEFA waxay sheegtay in Koobka Adduunka aan loo beddeli karin hanti ama badeecad ay saamiyo ku yeelan karaan shirkado iyo maal-gashadayaal gaar loo leeyahay.
Xiriirka kubadda cagta Waqooyiga iyo Bartamaha Ameerika iyo Kariibiyaanka ee CONCACAF iyo xiriirka kubadda cagta Aasiya ee AFC ayaa iyaguna iska fogeeyey qorshaha, taas oo sare u qaaday cadaadiska lagu hayo hoggaanka FIFA.
Gudaha FIFA-na khilaafka ayaa sii xoogeysanaya. La-taliye sare oo ka tirsanaa kooxda Infantino ayaa xilka iska casilay, halka madaxa hawlgallada FIFA uu sheegay in mashruuca uu ahaa qorshe uu hormuud ka ahaa hal qof.
Hadalladaasi waxay muujinayaan in hindisaha uusan weli taageero buuxda ka haysan saraakiisha sare ee ururka.
Xiriirka qoyska Trump
Wargeyska The Times ayaa sheegay in maal-gashadaha dhinaca teknoolojiyadda Joshua Kushner uu wada-hadallo ugu jiro inuu hoggaamiyo maal-gashiga la qorsheynayo, isaga oo adeegsanaya sanduuqiisa Thrive Eternal.
Joshua Kushner waxaa walaalkiis ah Jared Kushner, oo qaba gabadha Trump ee Ivanka Trump, isla markaana la-taliye sare ka soo noqday Aqalka Cad muddadii koowaad ee Trump.
Afhayeen u hadlay FIFA ayaa xaqiijiyey in Thrive la filayo inay hoggaamiso kooxda maal-gashadayaasha. Waxa uu sidoo kale sheegay in FIFA ay qorshaha kala shaqeyneyso bankiga maalgashiga ee JPMorgan.
Si kastaba, weli ma cadda in qorshuhu uu taageero aqlabiyadeed ka haysto 211-ka xiriir qaran ee xubnaha ka ah FIFA.
Qorshuhu wuxuu imaanayaa xilli FIFA ay isku dayeyso inay kordhiso dakhligooda ganacsi, gaar ahaan xuquuqda baahinta, kafaala-qaadka iyo tartamada waaweyn sida Koobka Adduunka iyo Koobka Kooxaha Adduunka.
Hase yeeshee, kooxaha kasoo horjeeda waxay ka digayaan in maal-gashadayaasha gaarka ah ay saameyn ku yeelan karaan maamulka kubadda cagta, qaabka tartamada loo abaabulo iyo sida dakhliga loogu qeybiyo xiriirrada xubnaha ka ah FIFA.
Infantino ayaa ugu dambeyn xalay ka laabtay hindisihiisii, isagoo bayaan soo saaray goor dambe oo Jimcihii ah kuna sheegay in “hindisaha aan la sii wadi doonin.”
“Kadib markii aan si taxaddar leh u dhageystay dhammaan aragtiyaha la soo bandhigay, waxaa caddaatay in mashruucan uu abuuray kala qeybsanaan heerkeedu yahay mid, iyada oo aan loo eegin taageerada uu haysto, aan hadda waafaqsaneyn ujeeddadii markii hore loo dejiyay,” ayuu yiri.

