Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu toddobaadkii hore uga digay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu qaado tallaabooyin wax u dhimi kara wadahadallada nukliyeerka ee lala leeyahay Iran.
“Waxaan u sheegay in ay hadda tahay mid aan habboonayn in la sameeyo, maadaama aan aad ugu dhow nahay in xal laga gaaro arrintan,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha ku sugnaa Xafiiska Oval. “Xaaladduna waxay is beddeli kartaa daqiiqad kasta.”
Israa’iil ayaa hore u beenisay war uu daabacay The New York Times oo sheegayay in Netanyahu uu hanjabaad ku muujiyay inuu carqaladayn doono wadahadallada Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska nukliyeerka, isagoo qorsheynaya inuu weerar ku qaado xarumaha ugu muhiimsan Iran ee kobcinta nukliyeerka.
Wargeysku wuxuu soo xigtay saraakiil xog-ogaal u ah arrimahaas kuwaasoo sheegay in Israa’iil ay ka walaacsan tahay in Trump uu aad ugu nugul yahay gaarista heshiis, xataa haddii taas micnaheedu yahay in Iran loo oggolaado in ay sii waddo kobcinta nukliyeerka—tani oo ah arrin Israa’iil u aragto khad cas (red line).
The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil si gaar ah uga baqeyso in la gaaro heshiis ku-meel-gaar ah oo oggolaanaya Iran in ay muddo bilooyin ama xitaa sanado ah sii wado howlaha nukliyeerka, iyadoo la sugayo heshiis rasmi ah.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale muujiyay walaac ah in Israa’iil ay si lama filaan ah u weerari karto Iran, waxaana warbixinta lagu xusay in sirdoonka Maraykanku qiyaasay in Israa’iil ay weerar ku qaadi karto Iran toddoba saacadood gudahood.
Xafiiska Netanyahu ayaa kasoo saaray bayaan kooban oo lagu sheegay: “Warkaasi waa been abuur.”
Wargeyska The New York Times ayaa difaacay warbixintiisa, isagoo sheegay in ay salka ku hayso ilo xog ogaal ah.
“Warbixinta The New York Times waxay ku saleysan tahay xog dhamaystiran iyo wadahadallo lala yeeshay dad si toos ah ugu lug leh arrintan. Waxaan weli ku kalsoonahay wixii aan daabacnay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wargeyska oo email ku bixiyay jawaabta.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga Israa’iil, Ron Dermer, iyo madaxa hay’adda sirdoonka dibadda ee Mossad, David Barnea, ay Jimcihii magaalada Rome kula kulmeen ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff.
Labada mas’uul ayaa kadib ugu safray Washington, halkaas oo ay Isniintii kula kulmeen Agaasimaha CIA, John Ratcliffe, iyadoo Dermer uu Talaadadii mar kale la kulmay Witkoff.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan wadahadallada Maraykanka iyo Iran ayaa ah shuruudda Maraykanku ku xirayo in Iran gebi ahaanba joojiso kobcinta nukliyeerka—dalab ay Tehran si cad u diidday.
Isniintii, Wasiirka Amniga Gudaha ee Maraykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in ay “wadahadal furan” la yeelatay Netanyahu oo ku saabsanaa wadahadallada Iran.
Waxay sheegtay in ay u gudbisay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil fariin uu Trump u dhiibay, taasoo ahayd in “ay aad muhiim u tahay in aynu mideysnaano oo aan fursad siino geeddi-socodkan inuu dhammaado.”
Trump ayaa bishan ka baaqsaday in uu Israa’iil booqdo intii uu ku sugnaa Bariga Dhexe, wuxuuna sameeyay bayaano siyaasadeed oo wiiqay kalsoonidii Israa’iil ay ku qabtay xiriirka kala dhexeeya Maraykanka.
Netanyahu ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya inuu khilaaf ka dhex taagan yahay isaga iyo maamulka Maraykanka, halka Trump isna uu meesha ka saaray sheegashooyinka ah in xiriirkoodu xumaaday.

