TRUMP oo sheegay in Iiraan si rasmi ah looga adkaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal cusub oo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda Iran ku baahiyay bartiisa Truth Social, isagoo hadalkiisa ku muujiyay in Tehran ay wajahday xaalad aad u adag.

Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Iran si rasmi ah looga adkaaday, isla markaana dalkaasi uu waayay awooddii ciidan iyo dhaqaale ee uu horey u lahaa.

“Iran si rasmi ah ayaa looga adkaaday. Waa dhimatay. Ma haystaan ciidan badeed, ciidan cirka ah ama lacag qaran, ma bixiyaan mushaharka askarta iyo booliiska, sicir-bararkuna wuxuu gaaray 300 boqolkiiba,” ayuu Trump ku qoray Truth Social.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in hoggaanka Iran uu ku jiro xaalad jahawareer ah, isagoo ku andacooday in madaxda dalkaasi aysan awood u lahayn inay si buuxda u matalaan Iran.

Hadallada Trump ayaa kusoo beegmaya xilli ay kasii dareyso xiisadda Washington iyo Tehran, isla markaana ay labada dhinac markale is-weydaarsanayaan weeraro.

Xiisadda sii xoogeysaneysa ayaa sidoo kale la xiriirta xaaladda Marinka Hormuz, iyadoo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uu sheegay inuu qaaday “tallaabo xaddidan” oo ka dhan ah ciidamo uu ku eedeeyay inay miinooyin dhigayeen, kuwaas oo khatar degdeg ah ku ahaa marinkaasi.

Tallaabada Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xilli Iran ay sii waddo jawaabaha militari ee ay ka bixinayso cadaadiska iyo weerarrada Mareykanka iyo xulafadiisa, iyadoo Tehran ay sheegtay inay weerartay saldhigyo milatari oo Mareykanku ku leeyahay dalka Urdun.

Ciidamada Urdun ayaa dhankooda sheegay inay ka hortageen siddeed gantaal oo la soo riday saacadihii hore ee Isniinta, taasoo muujineysa in xiisadda ay ka gudubtay xuduudaha Iran iyo Mareykanka.

Xiisadda ayaa sidoo kale saameysay Imaaraadka Carabta, iyadoo telefishinka dowladda Iran uu sheegay in ciidamada Iran ay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla dalkaasi.

Weerarada iyo jawaabaha militari ee labada dhinac ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo in colaadda ay ku faafto dalal kale oo gobolka ah, gaar ahaan kuwa martigeliya saldhigyada iyo ciidamada Mareykanka.

Xaaladda ayaa sidoo kale sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka shidaalka iyo ganacsiga caalamka, iyadoo sii socoshada xiisadda ay saameyn ku yeelan karto amniga gobolka iyo suuqyada tamarta.

- Advertisement -

Read more

Local News