Turkey oo yaboohday barnaamij si deg deg ah loogu qaadan karo dhalashada dalkaas

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa is-beddel ku sameysay sharcigii dalkaas, kuna dhowaaqday inay muwaadannimada dalkaas siin doonto qof kasta oo dalka ka iibsada hanti dhuleed ama dhisme qiimahiisu gaarayo hal milyan oo dollar.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale muwaadannimada dalkaas u ogolaanayaa shisheeyaha dalkaas ku sameeya maalin-gelin ku kacaysa laba milyan oo dollar, ama bankiga dhigtay saddex milyan oo dollar illaa saddex sano, ama abuura boqol shaqo.

Ugur Civelek, oo ah dhaqaalyahan Turkish ah ayaa sheegay in is-beddeladan looga ggol leeyahay in sare loogu qaado iibka guryaha, oo qeyb  muhiim ka ah dhaqaalaha dalka Turkiga.

Iibka guryaha Turkiga ayaa sare u kacay 4.5 sanaddii 2016 oo gaaray illaa 1.2 milyan guryo la iibiyey, hase yeeshee iibsiga guryaha ee dadka ajnabiga ayaa hoos u dhacay 19%, marka loo eego sanaddii 2015.

Dad u dhashay dalalka Ciraq, Saudi, Kuwait iyo Russia ayaa iibsaday guryihii ugu badnaa.

Dadka taxliiliya arrimahan ayaa rumeysan in hoos u dhaca iibsiga guryaha ee ajaaniibta ay ugu wacan tahay walaacyada laga qabo amniga dalkaas.

Turkey oo ah dal aad loogu dalxiis tago oo ajaaniibta ay jecel yihiin ayaa sanaddii 2016 waxa uu u ahaa sanad dhiig badan uu daatay, oo boqolaal qof lagu dilay weeraro argagixiso.

Kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta iyo kooxda Daacish ayaa lagu eedeeyey qaraxyo dhowr ah iyo weeraro hubeysan oo dalkaas ka dhacay.

Waxaa sidoo kale dhacay afgambi dhicisoobay oo dhaawacay sumcaddii Turkiga.

Civelek ayaa qaba in sababta ay dowladda muwaadannimada dalkaas ugu yabooheyso ajaaniibta ay tahay inay soo jiidato maal-gelin dalkaas lagu sameeyo, taasi oo sare u qaadi doonta dhaqaalaha dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com