Turkiga oo soo faro-geliyey khilaafka badda Somalia iyo tallaabo uu qaadayo

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka shaqeynaysa sidii Soomaaliya iyo Kenya isugu keeni laheyd miiska wadahadalka si loo xaliyo dacwada badda ee u dhexeysa labada dal, iyadoo dacwadan ay taallo Maxkamada Cadaaladda Addunka ee ICJ.

Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavusoglu ayaa booqasho ku imaan doona Muqdisho iyo Nairobi, horaanta bisha soo socota ee Maarso, isagoo kulamo la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa bilihii lasoo dhaafay uusan xiriirkoodu wanaagsaneyn, sidoo kale waxay Soomaaliya u bareertay inay gabi ahaanba jarto cilaa-qaadkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyey Kenya.

Sida laga soo xigtay ilo xogogaal Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhaxeeya.

Turkigu waxuu dhex-dhaxaadintaan uga faa’iideysanayaa xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhaxeeya, sidoo kale Turkigu waxuu Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo balaaran u arkaa laba dal oo door fiican ka cayaari kara saameyntiisa qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika.

Maxkamadda ICJ ayaa dhowaan ku gacan seyrtay codsi ay dowladda Kenya markii 4-aad ku dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda, waxayna balantu tahay in 15-ka bisha soo socota ee Maarso loo fariisto dhageysiga kama dambeysta ah ee kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Labada dal ayaa biyaha ay isku heystaan lagu kala saari doonaa sanadkan gudihiisa, waxayna maxkamaddu kiiskan ka gaari doontaa go’aan aan racfaan laheyn.

Markii laga soot ago kiiska badda wasiirka arrimaha dibadda Turkiga waxaa ajendihiisa ka mid ah soo celinta xiriirkii xumaaday ee xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi.