Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa soo saartay amar caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyadoo tallaabadan qeyb ka tahay baaritaan ay Ankara ka waddo dhacdo la xiriirta doon gargaar oo u socotay Gaza.
Wasiirka Caddaaladda Turkiga Akin Gurlek ayaa Jimcihii sheegay in amar qabasho caalami ah loo sameeyay Netanyahu, kaddib markii ciidamada Israel ay bishii May dhexda ka qabteen doon siday gargaar loogu waday dadka ku nool Gaza.
Doonta ayaa lagu waday inay gaarsiiso gargaar bani’aadamnimo dadka Gaza, kuwaas oo muddo dheer wajahaya xaalad bani’aadamnimo oo aad u adag. Ciidamada Israel ayaa qabtay doonta, waxaana la xiray boqolaal ka mid ah dadka u ololeynayay gaarsiinta gargaarka.
Gurlek ayaa sheegay in baaritaanka Turkiga uu diiradda saarayo dhacdadaas iyo tallaabooyinka ay ciidamada Israel ka qaadeen dadka saarnaa doonta. Ankara ayaa u aragta in dhacdadu ay u baahan tahay baaritaan dhinaca sharciga ah.
Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa cadaadiska sharci iyo diblomaasiyadeed ee Turkiga ay ku hayso hoggaanka Israel, xilli xiriirka labada dal uu si weyn u xumaaday sababo la xiriira dagaalka Gaza.
Turkiga ayaa horay u soo saartay amarro qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo saraakiil kale oo sare oo Israel ah, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo la xiriira waxa Ankara ku tilmaantay xasuuq ka dhacay Gaza.
Dowladda Israel ayaa si adag uga hortimid eedeymaha noocaas ah, iyadoo marar badan ku dooday in howlgalladeeda milatari ay yihiin kuwo looga gol leeyahay la-dagaallanka Xamaas iyo sugidda amniga Israel.
Arrinta amarka cusub ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dagaalka Gaza uu dhaliyay cambaareyn caalami ah, gaar ahaan marka laga hadlayo xaaladda dadka rayidka ah, burburka kaabayaasha iyo caqabadaha hortaagan gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo.
Tallaabada Turkiga ayaa sidoo kale sare u qaadi karta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Ankara iyo Tel Aviv, iyadoo Turkiga uu ka mid yahay dowladaha sida aadka ah uga hadlay dagaalka Gaza iyo xaaladda bani’aadamnimo ee ka dhalatay.
Horey, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ugu jartay waaran soo qabasho, iyadoo waddamada xubnaha ka ah maxkamadda ay qaarkood saxiixeen heshiis ku waajibinaya inay fuliyaan amarka qabashada.

