Ciidamo ajnabi oo hor oo kusoo socda dalka Somalia (Yaa soo diraya?)

Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Uganda ayaa Soomaaliya usoo direyso Ciidamo garaya ilaa 2,900  Askari kuwaas oo ku biiri doona Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM Soomaaliya Sida wararka aan ku heleyno.

Ciidamadan ka socda Uganda ee Soomaaliya loo soo dirayo ayaa waxaa Hogaamin doona Brigadier Dick Olum, waxaana la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan Muqdisho si ay uga mid noqdaan Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM .

Yoweri Museveni , Madaxweynaha Uganda ayaa Ciidamada Cusuab ee Soomaaliya loo soo dirayo wuxuu kula dar daarmay in ay la hadlaan Akhlaaq wanaagsan isagoo, sheegay in ay Matalayaan dowlada Uganda iyo waliba Ciidamada Qaranka Uganda sidaa daraadeedna looga baahanyahay in Bulshada Soomaaliyeed  ay kula dhaqmaan Anshax Wanaagsan.

Hadalkan wuxuu u jeediyay xilli uu khudbad ka jeedinayay Meesha loo yaqaano Singo oo tababar soconayay Mudo Sadex Bil ah loogu soo gabagabeeyay Guuto Cusub oo ciidamada Uganda u soo dirayso Soomaaliya .

Dardaaranka Madaxweynaha Uganda wuxuu ka dambeeyay kadib markii dhawaan ay soo shaac baxday Fadeexad cusub oo la xariirta in Saraakiisha Ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliyy ku iibsadaan Suuq Madow Sahayda Cuntada iyo Shidaalka isugu jirta ee loogu tala galay Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM ayna ka iibiyaan Shirkado gaar loo leeyahay oo Magaalada Muqdisho ku yaala.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada badni ka joogaan soomaaliya kuwaas oo si nabad ilaalin ah u jooga dalka , waxaana intii Uganda ciidamadoodu ay ku sugnaayeen soomaaliya ay la kulmeen Dagaalo culus oo ay la galeen ururka al-shabaab oo dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada kaabaya kasoo horjeeda.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com