Uganda oo ciidan cirka ah usoo direysa Somalia

Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ciidamo ka socdo dalkeeda ay u diri doonto dalka Soomaaliya kuwaasi oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dicaafa cirka.

Saraakiil u hadashay dowlada Uganda ayaa sheegtay in ujeedada ciidamada cirka ee dowlada Uganda loogu soo dirayo dalka Soomaaliya ay tahay iney dagaal dhanka cirka ah la galaan ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in arintaasi ay kala shaqeyn doonaan midowga Africa maadaama masuuliyad badan ka saaran tahay howlgalka AMISOM ee ka socdo gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii.

Qorshaha waxaa kaloo kamid ah in Soomaaliya loosoo diro diyaaradaha khumaatiga u kaca, kuwa shixnahadaha qaada, iyo kuwa deg dega ee taageeraya howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya si looga adkaado ururka Alshabaab.

Howl galka AMISOM ayaa laheyn diyaarado dagaal, marka laga reebo dowladda Itoobiya oo adeegsata diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay xarumo ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com