Uganda oo qirtay jab soo gaaray ciidankeda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in askar iyada taabacsan lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Col. Deo Akiik oo ah Afhayeen u hadlay Militariga Uganda ayaa sheegay in ugu yaraan Laba askari looga dilay dagaal talaadadii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Marka.

Col. Deo Akiik, ayaa sheegay in Askartaasi lagu dilay weerar ay soo qaaden maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka oo hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ayaa Sheegay in weerar ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in magacyada askarta dhimatay iyo kuwa dhaawaca ah iyo xaaladdooduba ay ka sugayaan AMISOM dibna ka soo sheegayaan si loogu gudbiyo ehelkooda.

Dhinaca kale, ciidamada ugu badan ee ka tirsan howlgalk AMISOM ayaa ah kuwa kasoo jeeda dalka Uganda waxaana tiradoodu gaareysaa 6,500 oo Askari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com