Sawirro: Kheyre oo lagu soo dhoweeyey dalka Qatar iyo ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka ka dhoofay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Dooxa uga qayb gelaya madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Waa markii saddexaad ee Kheyre uu ka qeyb-galayo Madasha Dooxa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Wxaana sidoo kale xog ku helnay inuu kulamo kale oo gooni ah la qaadan doono mas’uuliyiinta Qatar, oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.