UK oo muwaadiniinteeda uga digtay inay xadka Kenya iyo Soomaaliya ay tagaan

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Inggiriiska ayaa Maanta oo ay taariikhda tahay 16 Bisha Maarso waxay soo saartay digniin ku socoto muwaadiniinteeda u safrayo dalka Kenya sababo badan awgeed .

Sababta koowaad ayey ku sheegtay inay tahay cabsi laga qabo faafintaanka cudurka halista ku hayo adduunyada ee Coronavirus, kaasoo soo gaaray dalka Kenya.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay hadda ku mashquulsan tahay la tacaalidda dadkii horey uu cudurkaan ugu dhacay isla markaasna aysan xamili karin kuwa cusub.

Sababta labaad ayey ku sheegtay inay tahay cabsi laga qabo xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya oo laga yaabo inay isku badasho dagaal.

Sidoo kale waxay UK sheegtay in cabsi xoog leh laga qabo weerarada ay kooxda Al-Shabaab ku beegsanayaan dad ay u arkaan in dagaal uu kala dhaxeeyo, iyadoo sii raacisay inay suurtagal tahay in muwaadiniinteeda ku xayirmaan dalka Kenya maadaama laga yaabo in la joojiyo dhammaan duulimaadyada.

Muwaadiniinta u dhashay Ingiriiska ayaa waxaa si gaar ah looga mamnuucay u safridda goobaha dhaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,  Ismaamulada Gaarisa, Lamu, Tana River iyo labada geddi ee wabigaas kala qaybiyo.

Warbixintaan digniinta ah ayaa waxaa soo saaray Xafiiska Dibadda iyo Barwaaqo sooranka UK, waxayna kusoo aadeysaa xilli uu Shalay Madaxweynaha Kenya ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo la gelin doono Kenya taasoo ka bilaabaneysa Berri oo ah 17 Maarso.